Itoobiya oo ka carootay in masiirka dalkeeda lagala hadlo Kenya

Saturday January 01, 2022 - 15:02:55
Warsame Warfaa
Dowlada Itoobiya ayaa dhaliishay kulankii dhawaan Kenya iyo Mareykanka ka yeesheen collaadda Itoobiya, iyadoo Mareykanka ugu baaqday inuu si toos ah u soo abbaaro xukuumada Addis Ababa haddii uu doonayo xal u helista dagaalada ka socda Itoobiya.
Afhayeenka dowlada Itoobiya Dina Mufti ayaa shir jaraa'id oo uu qabtay ku cambaareeyey booqashadii waziirka arimaha dibadda ee Mareykanka uu ku yimid magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, taas oo ahayd booqasho ku saabsan sidii Kenya iyo Mareykanka ay uga wada hadli lahaayeen xal u helida colaadda ka taagan itoobiya.

Xukuumada Addis Ababa ayaa sheegtay in aysan aqbaleyn in Mareykanka uu cid kale kala xaajoodo arimaha Itoobiya, islamarkaana ay haboon tahay in haddii uu doonayo xal kama dambeys ah uu si toos ah usoo abbaaro Itoobiya oo uusan soo marin meelo kale.

Xukuumadaha Washington iyo Addis Ababa ayaa dhaliilo kulul isweydaarsanayey tan iyo markii uu bilowday dagaalka qowmiyadeed ee Itoobiya muddo hadda laga joogo sanad ka hor, kadib markii Mareykanka uu si kulul uga soo horjeestay duullaankii lagu qaaday gobolka Tigrey islamarkaana uu cadaadis saaray xukuumada Washington.

Warsame Warfaa Xaaji
SOMALIMEMO, Muqdisho
Email:[email protected]

Related Items