Ugu yaraan 12 qof Hindi ah oo ku dhintay isbuurasho ka dhacay Macbad kuyaal gobolka Kashmiir.

Saturday January 01, 2022 - 14:30:48
Warsame Warfaa
waa dad Hinduus ah oo ku socda wadada Macbadka
waa dad Hinduus ah oo ku socda wadada Macbadka
Khasaara lixaad leh ayaa kooxo mushrikiin Hindi ah kasoo gaaray isbuurasho ka dhacday gobolka Kashmiir ee ku jira gummeysiga dowladda Hindiya.
Ugu yaraan 12 qof ayaa dhimatay halka 14 kale ay dhaawacyo soo gaareen kadib markii ay isbuurteen dad gaalo ah xilli ay barakaysanayeen sanamka loo yaqaan Vaishno devi oo ay caabudaan Hinduuska.

Macbadkan ay dhibaatadu ka dhalatay ayaa kuyaal gobolka Kashmiir qeybta Hindiya ay gummeysato, saraakiil boolis ayaa sheegay in dad boqolaal ah ay kuyaaceen macbadka Vaishno devi xilli ay halkaas ka dhacayeen dabaal degyada sanadda 2022-ka.

War kasoo baxay dowladda Hindiya ayaa lagu sheegay in wadada gasha Macbadka Vaishno devi ay ciriiri isku bedeshay sababa laxiriira dadka Hinduuska ah oo halkaas xaflado ku dhiganayay.

Khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dhacdadan ayaa lafilayaa in ay sare usii kacdo sababa laxiriira dhaawacyada qaar oo xaaladoodu halis tahay.

Narendra Modi oo ah R/wasaaraha xagjirka Hindiya ayaa war uu soo saaray ku sheegay in uu ka xunyahay wixii ku dhacay dadka isku buurtay isagoona taczi udiray ehellada dadkii halaagsamay.

Macbadkan ay dhibaatadu ka dhacday wuxuu kamid yahay Macaabidda ay leeyihiin dadka Hinduuska ah waxaana maalin walba cibaado gaaleed u tagay tobanaan kun oo ruux.

Warsame Warfaa Xaaji
SOMALIMEMO, Muqdisho
Email:[email protected]

Related Items