Sawaariikh lagu weeraray caasimadda maamulka Yahuudda.

Sawaariikh lagu weeraray caasimadda maamulka Yahuudda.

Saturday January 01, 2022 - 14:27:32
Warsame Warfaa
Melleteriga maamulka Yahuudda Sahyuuniyadda ayaa sheegay in sawaariikh casri ah lagu weeraray xeebaha magaalada Talbaabiib ee caasimadda u ah Yahuudda.
Afhayeenka ciidanka Yahuudda ayaa warbaahinta u sheegay in laba saaruukh oo lagasoo gemay jiidda Ghaza ay ku dhaceen meel ku dhow Talbaabiib balse ma bixin faah faahin intaas ka dheeri ah.

Saraakiisha booliska Yahuuda ayaa iyana sheegay in sawaariikhdu ay sababeen qaraxyo balse aysan geysan wax khasaara nafeed ah, illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkan balse kooxaha muqaawamada Falasdiin ayaa dhowr jeer sidaan oo kale sawaariikh ugu weeraray Yahuudda.

Warsame Warfaa Xaaji
SOMALIMEMO, Muqdisho
Email:[email protected]

Related Items