Masjid dhowr dabaq ka kooban oo laga furay magaalada Bu'aale.

Tuesday December 28, 2021 - 06:23:29
Liibaan Jeexoow
Magaalada Bu'aale ee gobolka Jubbadda dhexe waxaa lagu qabtay munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu furayay masjid weyn oo 2 dabaq ka kooban kaasi oo bilihii lasoo dhaafay laga dhisayay magaalada.

Masjidka oo ah mid aad u qurux badan waxaa dhaqaalaha lagu dhisay bixiyay qeybaha kala duwan ee bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan gudaha dalka iyo dibaddiisa waxaana la dhammeystiray qeybaha kala duwan ee Masjidka.

Munaasabaddii furitaanka masjidka waxaa kasoo qeyb galay mas’uuliyiin uu kamid yahay Waaliga Jubbooyinka Sh/Maxamad Abuu Cabdalla, culimo, salaadiin iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Maamulka Masjidka weyn ee degmada Bu'aale ayaa mahad celin ballaaran ujeediyay dhammaan dadkii qarashka ku bixiyay masjidka wuxuuna Alle uga baryay in uu kheyr badan ugu bedelo hantidii ay baxsadeen.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA

Related Items