14 qof oo ku dhintay dagaallada ka socda magaalada Boosaaso [Wararkii ugu dambeeyay].

14 qof oo ku dhintay dagaallada ka socda magaalada Boosaaso [Wararkii ugu dambeeyay].

Wednesday December 22, 2021 - 17:45:58
Liibaan Jeexoow
Maleeshiyaadka PSF ayaa iska caabinaya ciidamada maamulka 'Puntland'.
Maleeshiyaadka PSF ayaa iska caabinaya ciidamada maamulka 'Puntland'.
Deganaan aan caga badan ku taagnayn ayaa lagasoo sheegayaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari halkaas oo maalintii 2aad ay ku dagaallameen maleeshiyaad hubaysan.
Wararka ka imaanaya Boosaaso ayaa sheegaya in xabaddu ay istaagtay maanta gelinkii dambe kadib markii ay dhinacyadu warbaahinta uga dhawaaqeen in ay diyaar u yihiin waan-waan nabadeed.

Dagaalkii maanta dhacay ayaa khasaaraha ugu badan gaarsiiyay dadka shacabka ah ee ku dhaqan xaafadaha isku raranka ah ee magaalada Boosaaso.

Ugu yaraan 14 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaallada halka tobanaan kale ay ku dhaawacmeen, madaafiic hoobiyaal ah oo labada dhinac isdhaafsanayeen ayaa ku habsatay qoys ka koobnaa illaa 4 ruux dhammaantoodna halkaas ayay ku dhinteen.

Sidoo kale dadkii ku dhintay dagaalladii maanta waxaa kamid ahaa wadaad caan ka ahaa magaalada Boosaaso, wasiirka amniga maamulka 'Puntland' ayaa shir jaraa'id ku sheegay in ay diyaar u yihiin wadahadal ay lagalaan kooxaha fallaagada sida uu hadalka udhigay.

Dhinaca kale taliska maleeshiyaadka Mareykanku tababaray ee PST-ta loo yaqaan ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ay la dagaallamayaan wax ay ugu yeereen 'Argagaxiso huwan xasaanad dowladeed'.

Wararkii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in boqolaal qoys oo hor leh ay isaga barakacayaan xarunta gobolka Bari sababa laxiriira coladda halkaas ku dhaxmaraysa Maleeshiyaadka fallaagada ah.

Warsame Warfaa Xaaji
SOMALIMEMO, Muqdisho
Email:[email protected]

Related Items