Urur diimeed isku bedelaya dawlad rasmi ah W/Q: Wadaadyare

Friday December 17, 2021 - 13:10:31
Liibaan Jeexoow
Tan iyo xilligii burburkii dawladdii Maxamed Siyaad Barre waxa jirey kacdoon diimeed oo dadka Soomaaliyeed loogu soo dabbaalayo diintoodii xaniifka ahayd iyadoo marar badan la fududaystey. Intii aaney burburin dawladdaas hore waxa fasax ahaa anshax xumo iyo fisqi oo dhan sida; khamriga oo la cabbo iyo tumashada.
Haddaba faa’iidada soo korodhay muddadii dawlad la’aantu waxay tahay; in meel walba uu gaadhey manhajkii Selafiga ahaa iyada oo masaajidda laga bilaabey kutub waagii hore mamnuuc ahaan jirtey, kutub gaar ah uun ma aha e xitaa waxa dhici jirtey in Tafsiirka Qur’aanka maamulkaa hore aad u dhibsan jirey. Dabadeed bilowgii kacdoonka waxa bilaabmay cadaawad ay madaxdii hore ee nidaamkaasi u hayaan dacwadda Selefiga ah. Waxa Jabhadihii samaysmay burburka ka dib ay ka mideysnaayeen la dagaalanka culimada diinta.

Waxaana dhacdey mar hore qiso xanuun badneyd; sarkaal madax ka ahaa mid kamid ah jabhadihii ka samaysmay waddanka markii horena ka tirsanaa taliskii hore ayaa soo kaxaystey ciidan Xabashi ah, waxa uu rabey in ay maamulkiisa yar ka ilaaliyaan wadaadada. Ciidankii yaraa ee uu haystey iyo kuwii Xabashida ahaa waxa ay wada qaban jireen gaadhka balse habeen uun baa mid ciidankii Xabashida ka mid ahaa xaajo qabatey, wax biyo ahna ma uu sii qaadan, kii Soomaaliga ahaa baa ka dabo kacey markuu soo noqday mise wax uu arkey gaalkii oo musxafkii quraanka ahaa saxaradii iskaga tirey, askarigii wuu naxay! oo muxuu u nixi waayey miyuu arkey weligii falkan oo kale cid ku kacda. Askarigii yaraa xaashiyihii musxafka ayuu ula yimid hoggaamiyihii jabhadda dabadeedna u sheegay wixii dhacay oo dhan. Sarkaalkii jabhaddu wuxu askarigii ugu jawaabey "Waraaqahan yaryar ee aad wadato waxa ay noo qabanayaan baa ka badan” Askarigii bartii buu kaga soo guureeyay ciidankii dibna uguma noqon.

Dhaqdhaqaaqa wadaadadu billaabeen ee sidaa u cadowga badani uma baahnayn dacwad shaaric keliya ee wuxu u baahnaa nafhur iyo awood, taasna dhallinyaro badan baa maanka ku hayey. Waxa la soo gaadhey 2006-dii dabayaaqadeedii, xilligii Meles Zenawi iyo cawaantiisa oo ay taageerayaan reer galbeedku ay soo galeen Muqdisho. Culimada inkasta oo ay caqabado haysteen haddana waxa ay holliyeen dagaal hor leh oo ay hormuud u yihiin dhallinyaradu, dagaalladaas oo noqdey kuwii Muqdisho looga caydhiyey dawladdii Itoobiya.

Joogitaanka Itoobiya ee Soomaaliya laba siyoodba dhiig bax buu ugu ahaa; waa mare, Muqdisho oo ay rabeen in ay xoog ku joogaan waa magaalo u dhisan si waafi ah isla markaana uu ka hirgeli karo dagaalka "Gorilla War” ama ku dhufoo ka dhaqaaq. Dagaalkaasna tamar uma ay haynin. Waa marka labaad eh, Itoobiya haddii dagaalku ku dabo dheeraado waxa ku riiqmi lahaa ciidankii ay ku faani jirtey dabadeed waxa si sahlan u soo degdegi lahaa kacdoonkii dhacay 2018-kii kaas oo Oromadu iskaga riddey heeryadii EPRDF.

Itoobiya waxa ay noqotey sidii libaaxii goodaaddada liqey ee haddii uu tufo ku indho beelayey haddii uu liqona ku dhimanayey. Ugu dambeyn xabashidii Muqdisho way ka baxeen iyaga oo dhiig baxay isla markaana indho beelay. Xilligaa wixii ka dambeeyay waxa waddanka la keenay AMISON oo loo bixiyey "Peace keepers” nabad ilaaliyeyaal laakiin runtu waxay ahayd ciidanka ka hortagga kacdoonka culimada.

Sida kacdoon kasta oo dunida ka hirgalaa u yeesho caqabado ayuu kacdoonta culimaduna u lahaa caqabado ay ka mid yihiin in la isku dayo in culimada iyo shacabka lakala fogeeyo. Hagardaamadaasna waxa ka qayb qaatey kuwo culimo ku sheeg ah oo diinta wax ka garanayey laakiin fidnoobay. Haddii ilme yari uu soo galo dukaan weyn oo nacnaca gada waxa uu ku dayoobaa kii uu qaadan lahaa illeen caqli badan malaha eh, sidaas oo kale wadaadadii fidnoobey waxa ay ku lumeen afkaartii Yurub iyo dhaldhalaalkii adduunyo iyo waliba kala doorashada waddamadii ay kaga noolaan lahaayeen. Qaar baa la arkayey iyaga oo u hanqaarmay qaadashada dhalasho waddan gaalo isla markaana baraha bulshada fadhiya oo shacabka ka codsanaya in loogu soo duceeyo helidda jinsiyadaha jaan. Kuwaas iyo wax lamida baa madax ka ahaa dhagartii kala fogeynta shacabka iyo wadaadada halgamaya.

Waxa jirey qaar kale oo ka qayb qaatey soo geliddii Kenya ee waddankeenna isla markaana qiil u raadinayey joogitaanka ciidanka Kenya. Mid culimo isku sheeggaas ka mid ah ayaa maalin yidhi "Kenya stake holder bay ka tahay siyaasadda waddanka markaa wax lala yaabo ma aha in ay danteeda raacataa”. Waa yaabe hadmay Kenya waddankeenna saami ku yeelatey!.

Caqabadahaas iyo kuwo dhaqaale ayaa dhanka kale haystey wadaadada halgamaya, laakiin ismay dhiibin illaa haddana waxa ay xaqiijinayaan ahdaaf la taaban karo. Kuwii se isdhiibey talo iyo tamar midna ma ay hayaan waxaaney noqdeen sidii shimbirkii dhimashadiisa sababta u ahaa.

Waxa la yidhii wakhti hore nin ganacsade ah baa baalasha shimbir gaar ah oo qurux badan danayn jirey. Ganacseduhu waxa uu soo urursan jirey dirxi yaryar oo uu shimbirku jeclaa dabadeed waxa uu la tegi jirey suuqa si uu baal shimbireed ugu soo bedesho.

Maalintii dambe ayaa shimbir noocii uu danayn jirey ahi ka soo hor baxay ganacsadihii. Shimbirkii baa hadley oo yidhi "Ninkoow maxaad kiishka yar ku sidataa?” ganacsadihii baa yidhi "Waa dirxi aan ku soo bedelanayo baal shimbireed”. Shimbirkii baa yidhi "Oo haddii aan baalashayda quruxda badan mid kuu jaro maad xabbad i siin?”. Ganacsadihii haa buu ugu jawaabey. Maalintaa wixii ka dambeeyay shimbirkii markasta waxa uu ganacsadaha siin jirey baalashiisa mid ka mid ah, ganacsaduhuna dirxigii. Muddo ka dib baalashii oo dhami way ka hoolmeen shimbirkii, dabadeed inta uu talax gabey ayuu geedkii ka soo dhacey oo halkii ku bakhtiyey. Quruxdiisiina wuu lumiyey, naftiisiina wuu halligay. Sidaas uun baanu ku dambeeyaa midkasta oo dhadhamo dhaafsada horumarka naftiisa iyo umaddiisa.

Ka dib markii TPLF oo ahaa kiristan xagjir ahi jabeen waxa soo if baxay walwalka reer galbeedka iyo dawladaha jaarka ahi ka qabaan kacdoonka wadaadada Soomaaliya, waxaana ay isku dayeen si kasta oo ay ku xallin karaan qaska ka taagan Itoobiya balse meeshii Ilaahay wax ka wado dameero ayaa weylo dhala. Isku dayadii faraha badnaa ee ergeyga Mareykanka Geeska Afrika u fadhiyaa waxba ma soo kordhin ee dagaalku sidii buu u sii holcayaa. Nin Soomaaliyeed oo la colloobay nidaamkii Siyaad Barre ayaa laga hayey "Allihii keenay kaakileey, Inuu kacshaa laga koraa”. Hadda waxa kor u kacay dhaqdhaqaaqa halgameyaasha oo lagu wado in ay qabsadaan gobollada dhexe iyo guud ahaan waddanka sannadaha dhaw ee soo socda.

Wabillaahi Tawfiiq

W/Q: Wadaadyare Xaashi.

FG: Fikirku wuxuu gaar  uyahay qoraaga, SOMALIMEMO looma tiirin karo

Related Items