Maxkamadda Raddul Madaalim oo go'aan ka gaartay dhul muddo 10 sana ah lagu murunsanaa [dhageyso].

Thursday December 09, 2021 - 15:47:42
Liibaan Jeexoow
Maxkamada Shareecada Islaamka ee Radul Madaalim qeybteeda gobolka Banaadir ayaa fulisay xukuno Islaami ah oo dhowr ah kuwaas oo lagu kala xukumay dhulal iyo boosas ay isku haysteen dad Muslimiin ah.
Dhulalkan iyo boosaskan oo ku yaalla Magaalada Muqdisho iyo duleedyadeeda wuxuu dhageysigeeda uu socday dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay.

Maxkamada Radul Madaalim ayaa xukuntay 11 gal dacwadeed kuwaas oo dadkii isku haystay dhulalkaas loogu kala xukumay si waafaqsan shareecada Islaamka.
Xukunka 8aad ee maxkamadda ayaa go'aan looga gaaray dhul kuyaal degmada Lafoole kaasi oo muddo 10 sana ah lagu murunsanaa

Related Items