Weerar Doon looga qabsaday ciidamada dowladda oo ka dhacay Badda gunteeda.

Thursday December 02, 2021 - 17:37:18
Liibaan Jeexoow
Xoogag jihaadi ah ayaa weeraro safballaaran ah ku qaaday ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka la shaqeeya ee ku sugan deegaanno katirsan gobolka Sh/hoose ee Koonfurta Soomaaliya.
Dagaalyahanno aad u hubaysan ayaa maanta duhurkii weerar badgal ah u dhigay maleeshiyaadka DF-ka oo ku socdaalayay gudaha badda gaar ahaan agagaarka xeebta deegaanka Dhanaane oo ah deegaan u dhaxeeya magaalooyinka Marka iyo Muqdisho.

Gudaha badda waxaa ka dhacay dagaal culus oo in mudda ah socday, warar lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in ciidamada DF-ka oo ka yimid dhanka xeebta Marka ay gudaha badda uga carareen Doon waxaana gacanta ku dhigay ciidamada Al Shabaab.

Dhanka kale inta u dhaxaysa deegaannada Shalambood iyo golweyn ee duleedyada degmooyinka Buula Mareer iyo Marka waxaa weerar jidgal ah loogu dhigay maleeshiyaad DF-ka waxaana laga dhaawacay hal askari.

Isla gobolka Shabeelada hoose maanta barqadii ciidamada Al Shabaab ayaa inta u dhaxaysa degmada Jannaale iyo deegaanka Buufow waxay kamiin ugu dhigeen maleeshiyaad kale waxaana weerarkaas dhabba galka ah lagu dilay hal askari ohalka mid kale uu dhaawac kasoo gaaray.

Gobolka Sh/hoose ayaa kamid ah meelaha ay ka socdaan weerarada ka dhanka ah ciidamada shisheeye ee dalka Soomaaliya kusoo duulay iyo maleeshiyaadka la shaqeeya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items