Mareykanka oo soo farageliyay xiisadda Boosaaso iyo 'Puntland' oo howlgal iclaamisay.

Thursday December 02, 2021 - 17:11:56
Liibaan Jeexoow
Xilli ay wali xiisado colaadeed ka jiraan magaalada Boosaaso ayuu maamulka 'Puntland' ciidamo dheeraad ah ku daabulayaa gobolka Bari halkaas oo labada ciidan ay isku hor fadhiyaan.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in taliska ciidanka Mareykanka qaaradda Afrika uu soo farageliyay ismariwaaga ka dhax taagan saraakiisha ciidamada maamulka 'Puntland'.

Nin lagu magacaabo Maxamuud Cusmaan Diyaano oo ah taliyaha ciidamada PSF-ta ayaa la filayaa in uu xil wareejin sameeyo kadib markii uu xiriir uga yimid dowladda Mareykanka.

Majiraan wax wadahadallo ah oo dhaxmaray Deni iyo taliyaha PSF-ta ee amar diidada sameeyay, dhinaca kale guddiga ammaanka maamulka 'Puntland' ayaa Boosaaso uga dhawaaqay howlgal amni.

Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan oo ah guddoomiyaha Bari ayaa ku goodiyay in ay beegsan doonaan wax uu ugu yeeray kuwa qalqalka gelinaya ammaanka.

Wuxuu si cad u sheegay in DF-ka ay mas'uul ka tahay xiisadaha cakiran ee ka jira magaalada Boosaaso isagoo digniin udiray kuwa uu ugu yeeray xaalad abuur.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items