'Q.Midoobay' oo ka digtay in ay kala furfurmaan qowmiyadaha dega dalka Itoobiya.

Thursday December 02, 2021 - 16:55:25
Liibaan Jeexoow
Martin Griffiths waa diblumaasi katirsan UN-ka
Martin Griffiths waa diblumaasi katirsan UN-ka
Waxa loogu yeero beesha caalamka ayaa walaac ballaaran ka muujisay in dagaalka ka holcaya Itoobiya uu isku rogo mid sokeeye oo kala furfura qowmiyadaha wadankaasi wada dega.

Martin Griffiths oo ah kaaliyaha arrimaha bani'aadanimada xoghayaha guud ee Q.Midoobe ayaa sheegay in dagaallada ka holcaya Itoobiya ay kala furfurmi doonaan midnimada dadka Itoobiyaanka ah.

Isagoo wareysi siinayay wakaaladda wararka AFP ayuu sheegay in dagaalka sanad jirsaday ee Itoobiya ka socda uu gallaaftay nolosha kumanaan kun oo ruux islamarkaana uu barakacayaal ka dhigay malaayiin kale.

"Musiibada ugu xun waxay dhici doontaa marka uu dagaalku soo gaaro magaalada Addis Ababa, dagaalkii waqooyiga Itoobiya kasoo bilaawday haddii aan laxadaynin wuxuu sabab unoqon doonaa in bulshada wadankan ay kala irdhowdo" ayuu yiri Martin Griffiths oo ah kaaliyaha arrimaha 'Bani'aadanimada' ee xoghayaha Q.Midoobay.

inkabadan 80 qowmiyadood ayaa dega dalka Itoobiya oo tirada dadkiisa lagu sheego 115 malyan oo ruux.

Walaacan laga muujinayo xaaladda Itoobiya ayaa imaanaya xilli dagaallo culus ay ka socdaan waqooyiga iyo galbeedka wadanka islamarkaana falaaggada TPLF laga qabsaday dhowr magaalo oo ay maamulayeen.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items