Weeraro culus oo lagu qaaday saldhigyo kuyaal Beledweyne iyo Buula Burde.

Weeraro culus oo lagu qaaday saldhigyo kuyaal Beledweyne iyo Buula Burde.

Thursday December 02, 2021 - 12:34:53
Liibaan Jeexoow
Iska hor'imaadyo culus ayaa xalay ka dhacay degmooyin katirsan gobolka Hiiraan oo ay ku suganyihiin ciidamada shisheeyaha AMISOM iyo maleeshiyaadka DF-ka.

Ciidamo aad u hubaysan oo katirsan wilaayada Islaamiga Hiiraan ayaa xalay saqdii dhexe weerar culus ku miray laba saldhig oo maleeshiyaadka maamulka 'Hirshabelle' ku leeyihiin gudaha magaalada Beled weyne.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ay maqlayeen hugunka rasaasta iyo madaafiic culus oo labada dhinac ay is dhaafsanayeen, dhinaca kale ciidamada wilaayada Islaamiga ah ayaa dhowr jiho ka weeraray saldhigyo ay ciidamada Jabuuti iyo maleeshiyaadka dowladda ay uga suganyihiin degmada Buula Burde.

Saraakiil katirsan maamulka 'Hirshabelle' oo Beledweyne ku sugan ayaa warbaahinta u sheegay in sedax carruur ah ay ku dhinteen madaafiicdii xalay lays dhaafsanayay.

illaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhinacyadii dagaallamay kasoo gaaray dagaalladii xalay ka dhacay gobolka Hiiraan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items