Ciidamada Imaarada Islaamiga Afghanistan iyo kuwa Iiraan oo dagaallamay.

Thursday December 02, 2021 - 06:03:38
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya dalka Afghanistan ayaa sheegaya in deegaannada xuduud beenaadka ah uu dagaal culus ku dhaxmaray ciidamada dowladda Shiicada Iiraan iyo xoogagga Imaarada Islaamiga ah.


Dagaalka oo laysku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa ka dhacay agagaaraha degmada Kanj ee gobolka Numroz.

Muuqaal lagu baahiyay baraha Internet-ka ayaa muujinayay iska hor'imaad culus oo dhaxmaraya ciidamada Imaarada iyo ciidamada ilaalada xuduudaha dowladda Shiicada Iiraan.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada Imaarada Islaamiga ah ay lawareegeen bara koontarool oo ay la haayeen ciidamada shiicada, war rasmi ah oo kasoo baxay Imaarada islaamiga ayaa lagu xaqiijiyay dagaalka labada dhinac dhaxmaray balse faah faahin dheeraad ah lagama bixin sababta keentay iska ho'imaadka.

Waa dagaalkii ugu gorreeyay ee dhaxmara ciidamada Imaarada Islaamiga ah iyo dowladda Shiicada Iiraan tan iyo markii ay Imaaradu si buuxda ula wareegtay dalka Afghanistan bishii Agoosto ee lasoo dhaafay.

Dowladda Iiraan ayaa caan ku ah cadaawadda ay uqabto Imaarada Islaamiga ah waxayna gacan weyn ka geysatay duullaankii uu Mareykanku ku qaaday dalka Afghanistan sanaddii 2001.

Related Items