Kooxda TPLF oo laga qabsaday magaalada Lalibela iyo Warar kale.

Wednesday December 01, 2021 - 11:39:01
Liibaan Jeexoow
Melleteriga dowladda Xabashida Itoobiya ayaa wali sii wada guluf dagaaleedka uu isaga caabinayo maleeshiyaadka fallaagada qowmiyadda Tigreega ee TPLF loo yaqaan.

Afhayeen uhadlay xafiiska isgaarsiinta ismaamulka Amxaarada ayaa shaaciyay in ciidamadooda oo kaashanaya kuwa Federaaliga ay dib ula wareegeen gacan ku haynta magaalada muhiimka ah ee Lalibela.

Mas'uulkan Amxaariga ah ma bixin tafaasiil dheeri ah oo ku saabsan qaabka ay TPLF uga qabsadeen magaalada Lalibela, dhinaca kale wasiirka arrimaha dibadda dowladda Shiinaha oo socdaal ku tagay magaalada Addis Ababa ayaa teegeera umuujiyay xukuumadda Abiy Axmed.

Dowladda Shiinaha waxay sheegtay in aysan ogolaan doonin faragelin shisheeye oo lagu sameeyo arrimaha gudaha dalka Itoobiya, dowlado ay kamid yihiin Ruushka iyo Shiinaha ayaa taageera dhan walba ah siinayay Addis Ababa halka Mareykanka iyo reergalbeedka ay u hiiliyaan kooxaha mucaaradka Tigreega.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items