Sedax Xidigle katirsanaa ciidanka DF oo lagu dilay degmada Wardhiigleey.

Wednesday December 01, 2021 - 11:22:33
Liibaan Jeexoow
sawir hore weerar sarkaal lagu dilay oo Muqdisho ka dhacay
sawir hore weerar sarkaal lagu dilay oo Muqdisho ka dhacay
Xoogag hubaysan ayaa maanta barqadii magaalada Muqdisho ku dilay sarkaal sare oo katirsanaa ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.


ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in weerar ka dhacay agagaarka Isbartiibada Istaadiyoow Muqdisho lagu dilay sarkaal darajadiisa ciidan aheyd sedax Xidigle waxaana magaciisa lagusoo gaabiyay Cali OK.

Al Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda dilka ka dhacay degmada Wardhiigleey sida ay baahisay Idaacadda Andalus balse illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin DF-ka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items