Jamhuuriyad cusub oo lagu dhawaaqay iyo Ingiriiska oo aqoonsaday.

Wednesday December 01, 2021 - 10:16:10
Liibaan Jeexoow
Munaasabad ka dhacday magaalada Bridgetown ee jaziiradda Barbados ayaa looga dhawaaqay in layagleelay jamhuuriyaddii ugu dambaysay oo ka istaagta caalamka.

Jaziiradda Barbados ee dhacda waqooyiga mandiqadda Caribbean-ka ayaa si rasmi ah usheegtay in ay ka go'day dowladda Ingiriiska oo ay mustacmarad u aheyd inkabadan 400 oo sanadood.

Mid kamida mas'uuliyiinta dowladda Britain ayaa ku sugnaa xafladdii lagu iclaaminayay jamhuuriyada madaxa banaan ee Barbados, haweenay 72 sana jir ah ayaa madaxweyne ka noqotay dowladda cusub ee Barbados.

Jaziiraddan ayaa kamid aheyd dowladaha Ingiriisku galaangalka gummeysi ku leeyahay ee loo yaqaan Commonwealth.

jamhuuriyaddan laga iclaamiyay waqooyiga Caribbean-ka ayaan wali aqoonsi caalami ah ka helin waxa loogu yeero 'Beesha caalamka' iyo Q.midoobay waxayna noqonaysaa dowladdii ugu dambaysa caalamka waxaa ka horreeya oo kaliya dalka Koonfur Suudaan ee ka go'ay dalweynaha Suudaan sanaddii 2011.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items