Boqor Buur Madoow oo kamid ah oday dhaqameedyada ugu caansan
gobollada waqooyi ee Soomaaliya ayaa hadal uu ka jeediyay magaalada Muqdisho ku
qiray in wilaayaadka Islaamiga ah ee dalka ka jira ay yihiin dowlad aan
ladafiri karin.
Isagoo ka hor hadlayay wasiirro iyo xildhibaanno katirsan dowladda
Farmaajo ayuu ka shanqariyay awoodda ay Al Shabaab ku
leedahay dalka Soomaaliya.
Markii uu hadalkaas kasoo yeeray Boqor Buur Madoow waxaa afka furtay
mas'uuliyiin katirsan DF-ka kuwaas oo ka carooday hadalka oday dhaqameedka ee
qiraya saameynta maamul iyo siyaasadeed ee wilaayaadka islaamiga ah.
Nin lagu magacaabo Cali Yare oo ah guddoomiye ku xigeenka arrimaha
amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir aadna ugu dhow Farmaajo ayaa si cara leh
uga jawaabay dhawaqii Buur Madoow wuxuuna ugu baaqay shacabka Muqdisho in aysan
martiqaad usameyn oday dhaqameedka.
Axmed Macallin Fiqi oo ah xildhibaan horayna usoo noqday wasiirka
amniga Galmudug iyo taliyaha sirdoonka DF-ka ayaa isna muujiyay sida uu ula
maroor dillaacay in oday dhaqameed caan ah uu dowlad ku sifeeyo Al Shabaab.
Caradu intaas kuma ikaan ee doodda ku saabsan caddeymaha Boqor Buur
Madoow ayaa qabsatay baraha bulshada, taageerayaasha dowladda ayaa aad
udhaleeceeyay hadalka kasoo yeeray oday dhaqameedka qaarkood ayaaba ku baaqay in
laga eryo magaalada Muqdisho.
Yuusuf Garaad oo katirsan DF-ka ayaa isna cambaareeyay qiraalka Buur
Madoow ee ah in Soomaaliya ay ka jirto awood islaami ah oo dowlad udhiganta
islamarkaana aan la dafiri karin.
Nuxurka hadalka Buur Madoow.
dhawaqa kasoo yeeray ninkan oo kamid ah odayaasha dhaqanka ee lagu
tiriyo in uu la shaqeeyo maamullada shisheeyaha ku daaban wuxuu DF-ka iyo
xulufadeeda dabadhilifyada ah uga dhignaa Fallaar wadnaha uga dhacday sababtoo
ah wuxuu Buurmadoow maxfal siyaasi ah ka qiray awoodda ay Shabaabul Mujaahidiin
ku leedahay dalka Soomaaliya.
Awooddan Islaamiga ah ee uu Buurmadoow ka hadlay ayaa ah awood aan la dhayelsan karin oo hore ay siyaasiyiin
badani uga qeylla dhaamiyeen, waxaan ugu weynaa dhawaqii kasoo yeedhay wasiirkii hore ee
waxbarashada Dawladda Federaalka Goodax Barre oo sheegay in jihaadiyiintu ay
Soomaaliya la wareegi doonaan haddii sidaan lagu sii socdo.
Maamullada
Soomaalida ayaa ah kuwo dabadhilifyo u ah shisheeye heer awoodda xarakadu ay sii
kordhayso maalinba maalinta ka dambaysa. Boqor Buur-Madow ayaa u muuqda nin ay
ku kacday duufaan siyaasadeed isaga oo markii horena xurguf siyaasadeed soo
kala dhex gashey madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Biixi.
W/D Wadaad Yare Xaashi