Dhaqaalaha Afghanistan oo sare ukacay sedaxdii Bil ee ay Taliban talada haysay.

Tuesday November 30, 2021 - 16:27:40
Liibaan Jeexoow
Wadanka Afghanistan waxaa lagasoo sheegayaa isbedel ballaaran oo ku saabsan dhanka maamulka iyo maaliyadda tan iyo markii lagu dhawaaqay xukuumadda islaamiga ah.


Warbixin kasoo baxday Imaarada Islaamiga ayaa lagu sheegay in sare ukac weyn uu ku yimid dhaqaalaha wadanka islamarkaana uu jiro isku filnaanshiyo bilaaw ah.

Markii ugu horraysay20 sano kadib ayuu wadankan dhaqaale dhan 26,83 bilyan oo lacagta maxalliga ah kasoo xareeyay alaabaha uu dibadda udhoofiyo taasi oo ka dhigan in ganacsatada maxalliga ah iyo beeralayda ay sare uqaadeen waxsoo saarkooda ayna suuq uheleen badeecadaha daakhiliga ah.

warbixinta kasoo baxday xukuumadda islaamiga kaabuul ayaa lagu caddeeyay in badeecadaha dibadda loogasoo dhoofiyay Afghanistan sedax bilood gudahood ay gaartay 11,58 Bilyan oo lacagta maxalliga ah waana isbedel weyn marka loo eego sida dalkan uu ugu tiirsanaa kaalmada dibadda iyo sida hadda bulshadu ugaarayso isku filnaan.

15kii bishii agoosto ee lasoo dhaafay ayay ciidamada imaarada islaamiga qabsadeen magaalada kaabuul iyo wadanka intiisa kale waxaana dhacday xukuumadda camiilka u aheyd shisheeyaha ee hantida bulshada boobi jirtay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items