Dagaalyahannada Al Shabaab oo Weerar Khasaara dhaliyay ka fuliyay gudaha magaalada Baydhabo.

Tuesday November 30, 2021 - 11:56:19
5837
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in xalay weeraro culus lagu qaaday saldhigyo melleteri oo kuyaal magaalada Baydhabo.
Ciidamo aad u hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa gudaha ugalay xarunta gobolka Baay  iyagoona dagaal culus lagalay maleeshiyaad daacad u ah maamulka 'Koonfur Galbeed'.

Wararku waxay sheegayaan in dagaalyahanada jihaadiga ah ay weerareen saldhigyada kala ah Cabdi Shire iyo xerada Bokriyiya, hugunka rasaas culus oo labada dhinac ay is dhaafsanayeen ayaa xalay laga maqlayay inta badan xaafadaha magaalada Baydhabo.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in xoogaga weerarka qaaday ay qabsadeen saanado hub ah, khasaaraha dhimasho ee soo gaaray ciidamada 'Koonfur Galbeed' waa 3 askari iyo dhaawaca tira kale.

Dagaalladan xalay Baydhabo ka dhacay ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ammaanka magaalada si aad ah loo adkeeyay islamarkaana ay socdaan doorashooyin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items