Mid kamida Ergadii wax kasoo xulay Xildhibaannada Baarlamaanka cusub oo Muqdisho lagu dilay.

Monday November 29, 2021 - 13:25:28
Liibaan Jeexoow
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa fal dil ah oo xalay ka dhacay mid kamida degmooyinka gobolka Banaadir.
Xoogag hubaysan ayaa degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ku dilay xubin kamid ahaa Ergada wax kasoo xulay baarlamaanka cusub ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

ilo xagga amniga ah ayaa sheegaya in rag hubaysan ay dileen Max'med Xuseen Max'med oo ahaa Ergay wax kasoo xulay mid kamida xildhibaanada baarlamaanka cusub.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya Jubbada hoose iyo Sh/hoose ayaa sheegaya in weeraro culus lagu miray saldhigyo ay ku sugnaayeen ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka dowladda.

Xalay saqdii dhexe ayuu weerar isku bedelay dagaal fool ka fool ah ka dhacay saldhigga ciidanka Kenya ay ku leeyihiin Jaziiradda Kudhaa, dagaalka ayaa si gaar ah uga dhacay halka loo yaqaan buuraha balse xog rasmi ah lagama haayo khasaaraha gaaray ciidanka Kenya.

Deegaanka Sabiid ee duleedka degmada Afgooye xalay fiidkii waxaa ka dhacay iska hor'imaad culus oo udhaxeeyay xoogag jihaadi ah maleeshiyaad daacad u ah DF-ka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho



Related Items