Ciidanka Abiy Axmed oo magaalooyin muhiim ah kala wareegay fallaagada Tigreega iyo Warar kale.

Monday November 29, 2021 - 12:16:24
4690
Liibaan Jeexoow
Melleeteriga Itoobiya ayaa guulo waaweyn ka sheegtay dagaallo culus oo uu lagalay kooxaha fallaagada qowmiyadda Tigreega ee xusulduubka ugu jira sidii ay uqabsan lahaa xukunka.

Ciidamada Xabashida ee uu hoggaaminayo Col.Abiy Axmed ayaa gacanta ku dhigay inta badan degmooyinka ismaamulka Cafarta oo bilihii lasoo dhaafay ay qabsanayeen maleeshiyaadka TPLF.

R/wasaaraha Itoobiya ayaa ku dhawaaqay in ay xureeyeen magaalooyinka KASAGITA iyo Chifra, wakaaladda wararka Reuters ayaa xaqiijisay in Tigreega laga fara maroojiyay dhowr magaalo.

Afhayeen u hadlay taliska ciidanka Itoobiya ayaa ku goodiyay in ay usii dhaqaaqi doonaan dhanka gobolka Amhara oo daris la ah cafarta, goor dambe oo shalay ah ayaa TPLF laga eryay degmada istiraatiijiga ah ee Mille halkaas oo ay marto wadada halbowlaha ah ee isku xirta dekadaha Jabuuti iyo Itoobiya.

Dhinaca kale dowladda Faransiiska ayaa bilaawday in muwaadiniinteeda iyo diblumaasiyiinteeda ay ka daad guraysato magaalada Addis Ababa,

 wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadad Paris waxay sheegtay in diyaarado xamuul ah ay udireen Addis si ay usoo daabulaan dhammaan dadka Faransiiska ah ee Itoobiya ku sugan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items