Al Shabaab oo weeraray Madaxtooyada Koonfur Galbeed iyo saldhigga ciidanka Itoobiya ee Baydhabo.

Saturday November 27, 2021 - 20:29:44
4650
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in weerar madaafiic loo adeegsaday lagu garaacayo xarumo muhiim ah oo kuyaal magaalada Baydhabo.

Xoogag jihaadi ah ayaa maanta duhurkii dhowr madfac ku weeraray xarunta madaxtooyada maamulka 'Koonfur Galbeed' xilli halkaas ay ka socdeen doorashooyinka xildhibaannada baarlamaanka.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dhowr madfac lala helay xarunta madaxtooyada arrinkaas oo sababay in muddo saacada ah ay hakad galaan howlihii doorashooyinka.

Dhinaca kale Dhowr madfac ayaa lagu weeraray saldhigga ay ciidamada Xabashida Itoobiya ku leeyihiin garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo, illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay madaafiicdan balse waxaa mas'uuliyadooda sheegtay Al Shabaab sida ay baahisay Idaacadda Andalus.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items