Dowladaha caalamka oo go'doomiyay dalka Koonfur Afrika kadib markii laga helay Virus halis ah.

Saturday November 27, 2021 - 11:34:09
2223
Super Admin
Warbixin kasoo baxday hay'adda WHO ee taabcsan Q.Midoobay ayaa lagu sheegay in Virus cusub oo halis ah uu ka dilaacay caalamka islamarkaana ay khatar weyn kusoo wajahantahay dunida.


WHO waxay sheegtay in Viruskan oo lagu magacaabo Omicron uu qeyb ka yahay caabuqa Covid19 balse uu ka faafitaan iyo halis badanyahay.

Kiisaskii ugu horreeyay ee Viruskan waxaa laga helay dalka Koonfur Afrika, sidoo kale war ayaa sheegaya in Omicron in uu gaaray dalka Butuswaana ee qaaradda Afrika.

Dowladda Holland waxay sheegtay in ay karaantiil gelisay illaa 10 ruux oo ka yimid dhanka Koonfur Afrika.

Durbadiiba qaar kamid ah dowladaha Yurub ayaa ku dhawaaqay in ay xiri doonaan xuduudaha si looga feejignaado Viruskan halista ah ee sida xowlliga ah ku faafaya.

Waxaa laga digayaa in Omicron uu halis ka daran middii Covid19 uu ka geysto caalamka labada bilood ee soo socoda, durbaba markii uu soo baxay warkan ku saabsan caabuqa cusub ayuu hoos udhac ballaaran ku yimid qiimaha lakala siisto shidaalka adduunka.

Halkii Barmiil ee Nafta ah ayaa gaartay wax ka yahay 80$, Malaayiin ruux ayaa daafaha caalamka ugu dhintay cudurka Corona Virus wuxuuna cudurkan dhimashada ugu badan ka geystay dalalka Mareykanka iyo Barazil.

Related Items