dowladda Itoobiya oo dalkeeda ka cayrisay diblumaasiyiin u dhashay dalka Ireland.

Thursday November 25, 2021 - 12:26:59
Liibaan Jeexoow
War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dowladda Itoobiya ayaa lagu eryay diblumaasiyiin reer Yurub ah kuwaas oo lagu eedeeyay in ay lasafteen jabhadda Tigreega.


illaa 4 diblumaasi oo udhashay dalka Ireland ayaa amar lagu siiyay in ay isaga baxaan magaalada Addi Ababa, dowladda Itoobiya ayaa diblumaasiyiintan reergalbeedka ah uqabatay in isbuuca soo socda gudihiisa ay wadanka uga baxaan.

Wasiirka arrimaha dibadda Ireland ayaa dhaleeceeyay tallaabada lagu eryay diblumaasiyiinta wadankiisa wuxuuna ka codsaday xukuumadda Addis Ababa in ay is xakamayso.

Xiriirka udhaxeeya Itoobiya iyo dowladaha reergalbeedka ayaa sii xumaanayay tan iyo wixii ka dambeeyay November 2020  kolkaas oo Abiy Axmed uu duullaan ku iclaamiyay ismaamulka Tigray, reergalbeedka ayaa ku eedaysan in ay lasafteen mucaaradka hubaysan ee doonaya in ay dib ula wareegaan talada Itoobiya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items