60 Madfac oo lagu weeraray mid kamida saldhigyada AMISOM ee Sh/hoose.

Thursday November 25, 2021 - 12:22:19
Liibaan Jeexoow
Sawir hore Jihaadiyiin ku sugan Soomaaliya
Sawir hore Jihaadiyiin ku sugan Soomaaliya
Sida ay sheegayaan wararka laga helayo gobolka Sh/hoose ee dhaca koonfurta Soomaaliya weerar culus ayaa lagu qaaday mid kamida saldhigyada ciidamada shisheeye ay ku leeyihiin gobolkaas.

Wararka ka imaanaya duleedka degmada Afgooye ayaa sheegaya in weerar madaafiic ah shalay gelinkii dambe lagu qaaday saldhigga Laanta Buuro oo ay ku suganyihiin ciidamo katirsan AMISOM gaar ahaan kuwa Yugaandha.

illaa 60 madfac ayaa la xaqiijiyay in lagu weeraray saldhigga, ilo xog ogolaa ah ayaa sheegay in qaar kamid ah madaafiicda ay gudaha saldhigga ku hoobteen waxaana la arkayay dab ka kacaya qaar kamid ah teendhooyinka ciidanka AMISOM.

Ma ahan markii ugu horraysay oo weerar lagu qaado saldhigyada ciidamada Uganda ee gobolka Sh/hoose, isbuucan gudihiisa dhowr qar ayaa kolonyo katirsan AMISOM lagula beegsaday duleedyada degmooyinka Marka iyo Qoryooleey.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items