Shacabka Hargeysa oo Tallaab ka qaaday Gabadh shaadh iyo surwaal ku labbisnayd!

Thursday November 25, 2021 - 10:04:18
Liibaan Jeexoow
Waxa xalay lagu dhex arkey badhtamaha magaalada Hargeysa gabadh dhallinyaro ah oo ku labbisan shaadh iyo surwaal taas oo la yaab ku noqotey dadka magaalada.


 Gabadhan dhallinyarada ah aya dadkii shacabka ahaa ku oriyeen iyaga oo aad uga cadhaysan falkan ay ku kacday waxaana la arkayay shacabka oo waddooyinka ku eryana inantan dayoowday.

Booliska oo aaggaas ka dhawaa ayaa kaxeeyay gabadhan ku kacday falka anshax xumada ah, Laba xiddigle ka tirsan Ciidan Booliska Maamulka 'Somaliland'  ayaa yidhi "Ciidanku ma bartilmaameedsan gabadha laakiin waxay badbaadiyeen nafteeda oo waxa ay ka reebeen dad shacab ah oo ka gadooday qaab labbiskeeda”.

Hadalkan Ciidanka ka soo yeedhay ayaa ah mid aan haba yaraatee wax qiimo ah siinayn qiyamka iyo akhlaaqiyaadka bulshada muslimka reer Hargeysa. Bulsho waliba waxa ay leedahay dhaqan u gaar ah iyo diin, dhaqankaas oo ka celiya wixii soo galeeti ku ah curfiga iyo caadooyinka bulshada.

Nebiguna SCW waxa uu ka digey isla markaana nacdaley dumarka isu ekaysiiya ragga. Beryahan dambe waxa Social Media-ha aad ugu soo badanaya dhallinyaradii Soomaalida khaas ahaan hablaheennii oo xishoodkii lagu yaqaanney ka tagay, haddii aan la samayn xeer xakamaynaya Social Media-ha oo aanay bulshadu baraaruginna waxa imaan doonta goor xeedho iyo fandhaal kala dhaceen oo waxba laga qaban kari sababtoo ah dabadeedna dhaqan xumada bannaanka loola soo baxo waxaa kusii kordhi kara fasaadka ubadka soo koraya

Wabillaahi Tawfiiq

W/Q: Wadaadyare Xaashi.

Related Items