Weerar naf hurnimo oo bartamaha Muqdisho lagula beegsaday saraakiil Caddaan ah.

Thursday November 25, 2021 - 08:30:58
10909
Liibaan Jeexoow
Jugta qarax aad uxooggan oo laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa saaka ka dhacay bartamaha Muqdisho.
Qaraxa oo ka dhashay gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay ayaa lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen saraakiil caddaan tababarayaal Melleteri ah.

Sida ay wararku sheegayaan weerarka ayaa ka dhacay agagaarka madaxtooyadii hore ee Cabdi Qaasim degmada Hodon, ilo xog ogaal ah waxay xaqiijinayaan in dagaalyahan naftiis hure ah oo kaxayanayay gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay uu bartilmaameedsaday gaadiid gelbinayay saraakiil Caddaan ah kaasi oo kasoo amba baxay xerada Tababarka Jeneraal Goorden waxayna saraakiishu kusii jeedeen dhanka xerada Xalane.

Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qaraxan aadka uxooggan ee ruxay bartamaha Muqdisho.

Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarkan sida ay baahisay idaacadda Andalus.

wixii soo kordha dib ayaan kasoo sheegi doonaa insha'Allaah

Related Items