Dad American ah oo ku dhimasho iyo dhaawac ku noqday Shil Gaari jiirsiin oo ka dhacay Wisconsin.

Monday November 22, 2021 - 17:02:36
Liibaan Jeexoow
Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerar gaari jiirsiin ah oo ka dhacay mid kamida gobollada dalka Mareykanka.


Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in ugu yaraan 5 ruux ay dhinteen halka 40 kale ay dhaawacyo soo gaareen kadib markii nin kaxaynayay gaari uu xoog ku jiiray goob ay iskuso baxyo ku dhiganayeen dad Kirishtaan American ah.

Guddoomiyaha gobolka Wisconsin oo ah halka weerarku ka dhacay ayaa faray saraakiisha booliska in ay baaraan sababta keentay in ruuxa gaariga kaxaynayay uu laayo dadkii goobta ku sugnaa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in 12 kamid ah dadka dhaawacmay ay xaaladooda caafimaad ay aad uliidato, mid kamida ciidamada booliska Wisconsin ayaa rasaas ufuray dhanka ruuxa gaariga kaxaynayay si uu u joojiyo balse rasaasta oo hareer martay hadafkii laga lahaa ayaa khasaara gaarsiisay dad shacab ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items