Dowladda Mareykanka oo dhaleecaysay Weerar Al Shabaab ay Muqdisho ka geysatay.

Monday November 22, 2021 - 11:37:32
12463
Liibaan Jeexoow
Ned Price Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda USA
Ned Price Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda USA
War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Mareykanka ayaa si kulul loogu cambaareeyay weerarkii lagu dilay sarkaal sare oo katirsanaa sirdoonka iyo warfaafinta dowladda Federaalka Soomaaliya.


Ned Price oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Washington ayaa si kulul udhaleeceeyay weerarkii ay Al Shabaab ku dishay Cabdi Caziiz Afrika oo ahaa agaasimihii Idaacadda dowladda kana mid ahaa saraakiisha sirdoonka.

"Mareykanku wuxuu si kulul udhaleecaynayaa dhammaan hababka argagaxisada oo uu kamid yahay weerarkii Al Shabaab ay shalay ku dishay Cabdi Caziiz Max'med Guuleed uuna ku dhaawacmay Sharmaake Warsame" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Ned Price.

Dhaq dhaqaaqa Jihaadiga Al Shabaab ayaa ku faanay in dabagal dheer kadib ay dileen shakhsi dambiile ah oo ay si aad ah u doondoonayeen, Mareykanka ayaa si dadban iyo si toos ah ugu lug leh dagaalka ka dhanka ah Jihaadiyiinta ee ka socda dalka Soomaaliya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items