Al Shabaab iyo DF-ka oo siyaabo kala duwan uga hadlay weerarkii lagu khaarijiyey C/Casiis Africa.

Saturday November 20, 2021 - 21:24:21
308630
Liibaan Jeexoow
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay weerar nafhurnimo oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho kaas oo lagu dilay agaasimihii Radio Muqdisho Cabdi Casiis Maxamed Guuleed Africa.


War kasoo baxay taliska ciidanka Al-Shabaab oo uu ku saxiixnaa afhayeenka ciidanka Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa lagu yiri "Mujaahidiintu waxay caawa fiidkii fuliyeen weerar ka dhacay Magaalada Muqdisho. Weerarkaas oo ahaa camaliyad ishtish-haadi ah ayey la beegsadeen masuuliyiin ka tirsan kooxda ridada Soomaaliya oo uu kamid yahay Murtad lagu magacaabo Cabdi Casiis Afrika" ayaa lagu yiri bayaanka.

Warka kasoo baxay taliska ciidanka ayaa sidoo kale lagu yiri: "Cabdi Casiis Afrika ayaa in muddo ah waxaa ku raad joogay Mujaahidiinta, isagoo loo haystay dambiyo dhawr ah oo uu ka galay Islaamka, iyo inuu ku lug lahaa dilal loo gaystay rag Mujaahidiin ah"

Bayaanka oo sii socda ayaa lagu yiri: "Mujaahidiinta ayaa Ilaahay mahadiis ugu dambeyn caawa soo afjaray nolosha Cabdi Casiis Afrika, waxaana dilkiisu uu aargud u yahay dhamaan raggii Mujaahidiinta ahaa ee uu ka dambeeyay ama ku lug lahaa dilkooda, raggaas oo uu kamid ahaa Allaha shahaadadiisa haka aqbalee Xassan Xanafi Xaaji".

Al Shabaab ayaa ugu dambeyntii ku goodisay inay beegsan doonto cid waliba oo af ama adin kula dagaalantay nidaamkooda.

"Mujaahidiintu waa rag aan aanadooda ilaawin. Waxay mar kale u cadaynayaan cid walba oo cadaw ku ah Islaamka iyo Muslimiinta inaysan sinaba uga baxsan doonin ciqaabta Mujaahidiinta. Cid walba oo af ama adin kula dagaalanta Mujaahidiintana, ha dhawaato ama ha dheeraatee, waxaa jiri doonta maalin ay dhadhamin doonto xanuunka geerida iyo miraha qaraar ee ay beeratay, gacanta dheer ee Mujaahidiintuna ay soo qaban doonto insha-Allaah" ayaa lagusoo gaba gabeeyay warka Al Shabaab.

Weerarkan goobta xasaasiga ah ee uu ka dhacay waxay muujinaysaa in laamaha ammaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku fashilmeen sugidda nabad gelyahada shakhsiyaadka muhiimka u ah.

Dowladda Federaalka oo ka hadashay dilka.

Dhinaca kale dowladda Federaalka ayaa si kulul uga hadashay qaraxii lagu dilay wariyaheedi Cabdi Caziiz Afrika, madaxda ugu sarraysa dowladda ayaa weerarkan ku sifeeyay mid argagaxiso.

Halkaan Ka Dhageyso

Xigasho: Radio Andalus

Related Items

Update cookies preferences