Xanna Kama Daayaan, Xalna Kama Waayaan. Wax Ka Ogow 5ta-Qodob ee ay la Gaar yihiin Maxakamadaha Alshabaab

Friday November 19, 2021 - 12:03:33
Super Admin
dumar kusii jeeda maxkamadaha Al-Shabaab
dumar kusii jeeda maxkamadaha Al-Shabaab
Hodan ma aysan filaneyn iney ku iman doonto nolosheeda maalin ay cadaalad u raadsan doonto Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab. Waa qisada hooyo Soomaaliyeed oo aan dooneyn inaan magacaabo halka ay ka degan tahay gobolka Leicester ee dalka Ingiriiska. Waxay Hodan iiga sheekeysay saameynta ay dagaalada sokeeye ku reebeen nafsadeeda iyo tan qoyskeeda.

 

Waxey ku dhalatay magaalada Muqdisho, aabaheed wuxuu kamid ahaa shaqaalaha shirkad muqdisho ku taalay oo talyaanigu lahaa oo la oran jiray "Marzaariyo”. Hodan oo waxabarshadeeda dugsiga hoose iyo dhexe kusoo qaadatay Iskuulka Xaawo Taako ayay dalka isaga carartay markey bilowdeen dagaalladii sokeeye 1991-kii. Waxey iyada iyo qoyskeedu qaxooti ku noqdeen dalka Kenya inta aysan uga sii gudbin dalka Ingiriiska sanadkii 1997-dii. Hodan oo xiligaas gabar da’yar aheyd, ayaa waxbarashadeeda illaa heerka jaamacadeed ku dhameysatay dalka Ingiriiska.

Waxey noqotay hooyo, gabar ayay ku curatay, shaqo iyo ganacsina way ku jirtay. Waxey iiga warantay duruufihii adkaa ee ku kalifay iyada iyo qoyskeeda iney kasoo cararaan Soomaaliya, waxey ii sheegtay in rajadoodii ugu weyneyd iyada iyo seygeeda ay abuurantay 2006-dii xiligaas oo ay maxkamadaha islaamiga ah kala wareegeen magaalada Muqdisho hogaamiye kooxeedyadii gacanta ku hayey, dalkana burburiyay.

Dareen damqasho iyo gocasho ku dheehantahay ayay iigu warrantay. iyadoo illinta ka tireysa indhaheeda ayay iiga sheekaysay sida ay ugu hanweyneyd nabadii ka dhalatay dalka 6-daas bilood, waxey igu tiri: "taladii murugsaneyd ee boqolaalka shir loo qaban jiray ayey mudo kooban ku xaliyeen”, waxey raacisay iyadoo hadalka sii wadata: "waxaan ogaaday in xalka aan ka raadineynay meel uusan jirin, waxaan xalka ka sugeynay cadowgii burburiyay dalkayga”. Waxey ii sheegtay in seygeedu tagey Muqdisho markii ay maxkamaduhu dib u fureen garoonkii diyaaradaha ee Muqdisho.

Waxey aheyd bilooyin dahabi ah oo soo martay taariikhda dalka. Inkastoo Soomaali badan u riyaaqeen nabadaas hadana ma aysan waarin. Burburkii maxkamadaha waxaa la burburay dhamaan yididiiladii iyo rajadii Hodan ay ka laheyd dalka, Soomaalidana waxey ku noqotay bar madow oo ku taalo taariikhdeeda loolan ee kala dhaxeeysa Itoobiya. Ciidamadii iitoobiyaanka ee Meles Zenawi hoggaaminayey ayaa calankoodii ka taagay madaxtooyadii looga talinayey Soomaaliya. Waxey aheyd murugo aad u weyn, xusuusteedu kharaar tahay, waxaan soo xasuustay tixdii dhoodaan uu ku lahaa:

Waxaa murugo iyo qoomamiyo, maanqashiyo ciil leh

Maskax iyo garaad iyo wixii, muruqba kaa liita

Markuu adiga sharaftaad mudnayd, kaa maroorsado e

waxay waayuhu is guraanba waxaa mahad Ilaahey ah colaada maanta ka holceysa gudaha Itoobiya, waxay warbaahinta caalamku soo gudbinayaan muuqaalo muujinaya qaxooti tigree ah oo u talaabaya dalka Sudan, gaajada, macluusha iyo cuduraduna aad ka dheehaneysid wejiyadooda, xasuuq iyo dhibaatooyin kalena usii dheeryihiin. Maantana waa kuwaa sidii ayax diyaaradi suntii doogga ugu saydhay meydkoodu is dul yaalo.

Dabayaaqadii 2018-kii ayey Hodan dib ugu laabatay dalka, waxay dareemeysay cabsi aad u weyn, xiligaasoo ay Muqidsho ku hardamayeen ciidamada dowlada iyo kuwa shisheeye oo dhinac ah iyo Xarakada Al-shabaab oo dhinaca kale ah. Waxaan degay xaafada Taleex, ayay tiri, wax weliba wey is badaleen, magaaladu tii aan ogaaba maaha, waxey u ekaatay xero ciidan, wado kasta waxaa lagu gooyey dhagxaan iyo carro, waxay iigula ekaatay caasimada Ciraaq ee Baqdaad, ayay ku dartay.

Mogadishu, Somalia

Waxey ii sheegtay iney muddo ka baaqsaneysay tegitaanka Muqdisho, balse ugu dambeyntii ay go’aansatay iney aado. Waxaa xoog lagu qaatay gurigoodii. Waxay dacwad ka furatay maxkamada gobolka banaadir si loogu soo celiyo gurigii ay ku dhalatay. "mudo 3-sano ah ayuu furnaa galka dacwadeyda iyadoo aan laga gaarin wax natiijo ah, waxaa layga qaadayay laaluush joogta ah, Xamdi oo ah deriskeena wakiilna iiga aheyd dacwada ayaa la kulmeysay hanjabaad joogto ah. Ugu dambeyntii Daahir oo ah Xamdi seygeeda ayaa wuxuu nagula taliyay inaan dacwadaan ka furano maxkamadaha ay maamusho Al-shabaab.” ayey tiri Hodan. Tiiraanyo horleh ayaa lasoo deristay, walwal iyo walbahaarna waa u dheeraa oo wixii waayo badan looga sheegi jirey Al-Shabaab iyo waxaa isu qaban waayey maanta hodaney lugahaaga ku doono.

Ifka nimaad u cabataad mar uun ciidan ka heshaaye, waxay talada ruugaan oo rogrogaanba waxay ugu dambeyntii go’aanka ku gooyeen inay dacwada dhanka Al-Shabaab u wareejiyaan, waxay doonaanba hakala kulmeene. Durbadiiba wuxuu garsoorihii amray in Hodan ay timaado maxkamada horteeda.

Xamdi ayaa u sheegtay in rajadu aad u wanaagsan tahay, wax laaluush ahna aan laga ogoleyn dhulka ay maamusho Xarakada Alshabaab, wax welibana ay ku xiran yihiin tegitaankeeda goobaha ay ka taliyaan Al-Shabaab maxkamadana iska xaadiriso. Hodan oo dhowrjeer ku hammisay inay iska hakiso dacwada, cabsi daraadeed, ayaa ugu dambeyntii go’aansatay inay Allaheed tala saarato oo u safarto goobaha Al-Shabaab ay maamulaan, kadib markey ay la sameysay wada tashiyo dhowr ah saygeeda iyo qaraabadeeda.

Waxaan aad u xiiseynayay iney iiga waranto waxii ay kala kulantay ururka Alshabaab, maxkamadahooda, maamulkooda, ciidankooda, iyo bulshada ku hoos nool sida ay u arkaan. Waxaan aad u raadinayey inaan si dhow wax uga ogaado ururka alshabaab ee badaley siyaasada Bariga Africa, hadal heyntiisu ay buux dhaafisay warbaahinta caalamka.

Hodan oo igu taqaan qormooyinka ayaa igula kaftantay maanta ma waxaad dooneysaa inaad aniga wax iga qortid, waxaan ku iri: " maya ee waxaan doonayaa inaan Alshabaab ka sameeyo qormo aan hubo”, intay dhoola caddaysay ayay waxey igu tiri: " maad soo aragtid! Soomaalida yurub nala joogto, xanna kama daayaan xalna kama waayaan ururka Al-Shabaab!”

Dumar kusii jeeda maxkamadaha Al-Shabaab

Inkastoo aan horay u akhriyey warbixino iyo diraasaat ay warbaahinada iyo hay’adaha reergalbeedka ka qoreen nidaamka maamul ee Al-Shabaab iyo hufnaanta maxkamadahooda isla markaana aan arkaynay mas’uuliyiin dowladeed oo ay ku jiraan xildhibaano kuwaas oo qiraya in dadka Soomaaliyeed ay cadaaladda u doontaan dhulka Al-Shabaab 90% dadweynaha Soomaaliyeed kalsooni ku qabaan xukunada ay ridaan maxkamadaha Shabaab, hadana waxaan jecleystay inaan akhristaha usoo gudbiyo qisada Maxakamadaha Islaamiga ah ee Xarakada Mujaahidiintu Alshabaab ka hirgeliyeen bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.

Waxaan qormadan kooban doonayaa inaan akhristoow kusoo hordhigo 5 qodob oo ay maxakamadaha Islaamiga ah kaga duwan yihiin kuwa Dowlada Faderaalka Soomaaliya.

1. Garsoore Kitaabka Quraanka Iyo Sunnada Suubanaha Keliya Wax Ku Xukuma

Waxey Hodan ii sheegtay inuu halmar is badaley jawigii ay taqaanay, waxay tiri: "waxaan gaari lasoo raacay dad badan oo maxkamada u socday, dumarka iyo ragu waxey ahaayeen kuwa kala soocan, kuraasna aan iskula fadhin, dadku waxey ahaayeen dad sheekeysanaya oo dowlada aad u dhaliilaya tuugana ku tilmaamaya, markii aanu nimid dhulkii Alshabaab ay ka talinayeen waxay ugu horeyn indhahaygu qabteen calan madow, waxey aheyd astaan aan ka arki jiray Tv-yada caalamka.

Tuulada ay ku taalay waxey aheyd mid aad u mashquulsan una zaxmad badan. Waxey garsoorayaashu wax ku xukumayeen Kitaabka Quraanka iyo Xadiithka Suubanaha Naxariis iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee. Waxaan ogaaday in kalsoonida dadku ay ku qabaan ay tahay ku xukunka kitaabka oo aan u eexaneyn cidna.

Waxaa wejiyada garsoorayaasha ka muuqday deganaansho iyo xasilooni, waxaan maqlayey mid kamid ah garsoorayaasha oo leh, hala sabro idinka ayaan idiin shaqeyneynaaye.” waxey Hodan ii sheegtay iney la ilmeysay oraahdaas. Waxay fahantay in nabada iyo xasiloonidu ay ku jirto ku dhaqanka Kitaabka Rabigeen, tolkeyga Allaha Fahamsiiyo’e.

2. Gaarsoorayaal Aan Labisneyn Uniform Ama Darees Gaar Ah


Garsoosreyaasha Maxkamadaha dowlada

Waxay Hodan igu tiri: "Markaad soo gashid Hoolka Maxkamada, waxey indhahaagu qabanayaan gorsoore sito macawis iyo shaar ama khamiis, madaxana ay u saaran tahay cimaamad, waxaa aad u adag inaad dadka ka dhex garatid, waxey ahaayeen kuwo su’aalahoodu kooban yihiin, guntana abaaraya, dulucda warkana aad u dhuuxaya, gartana heli og.” Iyadoo sheekada sii wada ayey tiri: "Kuma aysan lebisneyn dharka ugaarka ah garsoorayaasha sida uu yahay dhaqanka hada jira.

Waxey ahaayeen dad aan isla weyneyn, dhowrsoon, sumada keliya ee lagu soocayo ay tahay tixgelinta iyo qadarinta ay ku dhex leeyihiin bulshada. Qofkaan ku qanacsaneyn xukunka waxaa loo gudbinayey maxkamada racfaanka. Waxey ahaayeen culimo dhowrsoon, amaana leh, waxey muddo kooban xal kaga gaareen kiis 3-sano ka badan agyaaley maxkamada gobolka Banaadir” Waxey u aheyd Hodan fursad ay kula kulanto garsoorayaal aan labisneyn dharkii ay ku arki jirtay garsoorayaasha aan shareecada wax ku xukumin taasoo ka dhigeysa astaan u gaar ah garsoorayaasha maxkamadaha Alshabaab.

3. Maxkamad Qareen La’aan Ah

Maxakamadaha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa ka jira dalalka aanu qaxootiga ku nahay waxey ka siman yihiin inuu qofku qabsado qareen/abukaate u dooda, xaqiisana usoo dhiciya. Waxaa filan waa igu noqday in maxakamadaha Alshabaab aysan laheyn qareen ama abukaate qofka u dooda. Waxay Hodan ii sheegtay in ay soo ogaatay in qareenku uu yahay dalaal ka macaasha dhibaatada dadka soo kala gaarta, gartuna aysan gaarsiisneyn halka uu ka raadsho.

"Waxaan yurub ku nahay adoomo dadban oo qareen leeyahay, waxaan ogaaday hadey gartu la taalo kitaabka iyo sunnadu iney wax weliba fududaanayaan si sahlana xalka lagu gaarayo. Xaqqa iga maqan wax ka badan ayuu qareenku naga qaataa, waxay i dareensiiyeen Shabaabku inaan xor ahay nafteydana aan matalo” ayey igu tiri iyadoo qiiraysan.

Markii laga tagey kitaabka Ilaahay waxaa adkaatay noloshii oo dhan, xeerarka jaahiliga ah ee dunida looga dhaqmo waxey soo kordhiyeen caqadabado farabadan, isbadalada joogtada ah ee ku socda shuruucdaas iyo is burinta ka dhex buuxda ayaa ka dhigaya in loo helo qof jaahiliyadaas murugsan qeylo ku kaaba. Qareen la’aanta ayaa ka dhigaysa maxkamadaha islaamiga ah astaan ay la gaartahay.

4. Garsoore Aan Loo Istaagin, Iyo Miis Aan La Garaacin

Waxaan ku garaadsaday garsoorayaal marka ay soo galaan hoolka maxkamada loo istaago, xukunka marka ay ridayaana la wada istaago, waxaan arki jiray garsoore miiska dube la dhaco marka uu xukunka rido. Muuqaalka laga soo gudbinayo maxkamadaha islaamiga ah ee Sh. Hoose ayaa sidaas ka duwan. Hodan ayaa ii sheegtay iney istaagtey oo kaliya markey dacwadeeda gudbisaneysay iyo salaada markii la gaaray. Garsoore aan loo istaagin iyo Miiska oo aan la garaacin ayaa ka dhigaya maxkamadaha islaamiga ah ee Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab astaan ay la gaar yihiin.

5. Garsoore Aan Laaluush Qaadan

Laaluush la’aanta ayaa ah sifo lagu wada yaqaan maxkamadaha Alshabaab, waxaan aad ugu kuur galay asbaabta keeneysa iney ka fogaadaan laaluushka, waxaana ogaaday inuu jiro xadiith ka sugnaaday Suubanaha naxariis iyo nabadgelyo dushiisa ha ahaatee oo sheegaya iney lacnadi ku dhacday kan bixiya iyo kan qaata laaluushka. Inkastoo dad badan ay isku dayayaan iney bixiyaan laaluush ama ay lasoo xiriiraan dad ay qaraabo yihiin oo xubno ka ah Xarakada Alshabaab si ay u helaan xaq aysan laheyn ama dicaayado ugu furaan hufnaanta garsoorkooda, hadana waxaa aad u adag qof ku dhiiranaya inuu laaluushkaas bixiyo.

5-taas qodob ee aan soo sheegay ayaa ka dhigay Maxkamadaha Islaamiga ah ee Alshabaab kuwo ay kaga soocan yihiin maxkamadaha Dowlada Federaalka.

Hodan rajadeedii wey so laabatay….waxey ku hanweyntahay in dhawaan dalkeena shisheeyuhu ka bixi doono…wuxuu qoyskeeda hada u yaqaanaa Hodan- Alshabaab, waxaa loo arkaa halyeeyad ku dhiiratay iney tagto dhulka alshabaab ka taliyo…waxey goob weliba uga sheekeysaa waxey soo aragtay…. Waxey ii sheegtay iney saameyn ku reebeen dadkii ay soo aragtay… "waxaan soo kororsaday waaya aragnimo aad u weyn.” ayey igu tiri… waxey igu tiri iyadoo ila kaftameysa "waxaad u baahantihiin dawro si aad wax badan u fahantaan”, waxaan weydiiyay waxa ay ula jeedo dawro?, iyadoo qosleysa ayey igu tiri: "dowro waa ereybixin ay adeegsadaan Shabaabka oo u dhiganta work shop ama siminaar”…waxey Hodan uga dhigneyd tegitaankeeda wilaayaadka islaamiga ah maalmo dahabi ah oo soo maray nolosheeda.

"Waxaan ku hoos noolaaday shareecada islaamka, waxaan soo arkay cadligeeda, waxaan dareemay inaan ku jirno nolol ciriiri ah, waxaan soo arkay dad aan wax heysan, hadana; naga farxad badan, waxey heystaan waxa ugu qaalisan oo ah qanaaco. Waxaan shabaabka u ahay qareen si mutadawacnima ah u difaaca.” ayey Hodan qisadeeda kusoo gabagabeysay.

Waxaan ogaaday in cadaaladu ay tahay sheyga ugu weyn ee lagu kasbado quluubta aadanaha. Waxaan ogaaday in cadaaladu ay ku jirto ku dhaqanka diinta islaamka oo keliya, waxaan ogaaday qofkii ka raadiya cadaalada meel aan aheyn diinta islaamka, inuu ku hungoobayo. Waxaa Qur’aanka iyo Sunnada ku sugan iney gaalnimo tahay in loo xukuntamo waxaan aheyn Diinta Islaamka. Hodan waxey badbaadsatay diinteeda, waxaana u badbaaday hantideedii ka maqneyd.

Cabdirizaaq Xaaji Xuseen

Stockholm, Sweden

 

Related Items