Weerar Madaafiic ah oo lagu qaaday saldhig kuyaal degmada Garbahaarey.

Tuesday November 16, 2021 - 16:59:56
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in weerar culus lagu qaaday saldhig ay ku sugnaayeen saraakiil Caddaan ah iyo maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka.


Xoogag jihaadi ah ayaa dhowr madfac ku weeraray xerada WFP ee degmada Garbahaarey halkaas oo ay ku sugnaayeen saraakiil Caddaan ah oo ka socda dalka Mareykanka.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in dhowr madfac ah ku dhaceen gudaha xerada laweeraray.

illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay madaafiicdan oo xilliggii ay ku hoobanaysay saldhigga ay booqanayeen saraakiil caddaan ah iyo Jeneraallo katirsan wasaaradda G/dhigga DF-ka

Related Items