Maqaal: Gartu Allay Taqaan W/Q: Samadoon Cabdalaah xaaji

Monday November 15, 2021 - 21:38:19
Liibaan Jeexoow
Waxaa igu dhaliyey in aan qoro maqaalkan anigoo aad u mashquulsan, asbuucan markii aan daawaday taxane 12 qaybood ah oo Xarakada Al-Shabaab ay labadii bilood oo lasoo dhaafay ku baahinayeen baraha bulshada kaasoo ay ciwaankiisa ka dhigeen aayad quraan ah qaybteeda danbe tasoo oranaysa (سَاءَ مَا يَحْكُمُونَ) oo macnaheedu yahay WAXAA XUMAADAY WAXAY XUKUMEEN.


Xaqiiqdii muuqaalladan waa dagaal-warbaahineed kii ugu cuslaa ee ay Shabaabku ku qaadaan dawlada aan tabarta badnayn ee ka jirtay Soomaaliya ilaa xiligii cabdulaahi yusuf iyo geedi. Soomalidu waxay ku mahmahdaa gartu soddog iyo seedi midna ma taqaan ee Allay taqaan, oo macnaheedu yahay gartu eex ma gasho. waxay kalo tiraahdaa gaalka dil gartiisana sii oo ay ula jeedaan ninka aad is haysaan iska dhici wuxuu kaaga fiican yahayna u qir.


Anigu ma ahi siyaasi xil doon ah oo dhaliil wax ku raadinaya, mana ahi qof Shabaabka taageero gaar ah u haya. waxaan ahay muwadin Somaaliyeed oo aragtidiisa soo bandhigaya oo aysan wax saamayn ah ku lahayn wax ka jira dalkii hooyo. Waxan jeclahay in aan idinla wadaago waxa aan u iri, gartu Allay taqaan, anigoo is dultaagaya wuxuu xambarsan yahay taxanaha Al-Shabaab.


Marka hore inta anan u galin faaqidada taxanaha "Saa’a Maa Yaxkumuun” waxaan filayaa in maanta qof intellectual ah ama qof garaad leh uusan daah ka saarnayn in dacaayadaha warbaahintu yihiin hubka ugu culus ee laysku edeegsado oo xitaa lagu dumiyey dalal dhisnaa. Waatuu abwaankii somaliyeed lahaa "AFKU WUXUU LA XOOGYAHAY, MAGLIGA XAWDA KAA JARA”.


Cilmi ahaan waxaa la isku raacsanyahay in uu dagaalku yahay CUDUD, MAAL iyo CARRAB oo ah kaan hada ka hadlayno. Hadaan usoo noqdo is-dultaagii taxanaha Xarakada Al-Shabab wuxuu ahaa runtii documentary aad losoo diyaariyay, waxaana aad ka dareemaysaa inay waqti badan galiyeen ayna diyaariyeen dad aqoon dheeraad ah u leh dagaalka warbaahinta. Waxaa aad ii soo jiitay sadex qaybood oo kala ah magaca taxanaha, marjiciyada, iyo tayada muuqaallada.


Magaca Waa Aayad Qur'aan ah.


Magaca ay doorteen ee "Saa’a Maa Yaxkumuun” waa aayad Qur’aan ah wuxuuna soo jiidanayaa qof walba oo Somaali ah. Waxay u doorteen magacan maadama ay weerarayaan dastuurka qaybo-qoraalka ah ee mamulladii iska danbeeyey soo guuriyeen, oo qaybna galbeedka laga keenay, qaybna bariga, qaybna UN ku darsatay inay ceebihiisa iyo iskhilaafkiisa soo bandhigaan.


Waxaa laga yaabaa in aad iswaydiinayso maxaa xiriir ah oo ka dhexeeya magaca iyo dastuurka qaybo-qoraalka ah, balse markii aad bilowga muqaalka ku soo aragto ciwaanka "Saa’a Ma Yaxkumun” ka dibna aad daawato ceebaha ku jira dustuurka, gaar ahaan qaybta Sinaanta ragga iyo dumarka (Gender equality) ama qodobada ciqaabta galmada oo leh dadka isku jinsiga ah waa isguursan karaan, galmada aan khasabka ahayn ciqaab maleh, maxaarimta oo laga sinaysto waa xarig, liwadka oo caruurta lagu sameeyo wa xarig iyo ganax lacageed, waxaad adigoon is ogeeyn oranaysaa (سَاءَ مَا يَحْكُمُونَ) . Waana muhiimada ay Shabaabku u doorteen magacaasi, sababtoo ah waxay aad u fahansan yihiin saamaynta warbaahinta.


Marjiciyada Ama References-ka.


Tan labaad waa marjicyada ama waxa loo yaqaan references. Waxaa la yaab ah muqaalka inta uu socday 70% waa qoraalo dustuurka ay ka soo qaateen iyo xubno ka tirsan dowlada, sida barlamaanka iyo wasiirada, oo ka hadlaya dustuurka waxa ka khaldan iyo ceebihiisa, ama iyagoo amaanaya ceebahaas oo ka dhigaya wax aad u wanaagsan ama caadi ah. Haddii aad u fiirsato meeshaas waxaa ku jira labo qodob oo aad u muhiim ah oo Shabaabku ay ka faa’iidaysteen una isticmaaleen dagaalka warbaahinta.


Tan koobaan waa in Shababku soo bandhigeen daliil uu ku cadyahay qoraalka dustuurka iyo sheegashada masuuliyiinta dawlada oo aysan ahayn wax ay Shabaab ku dacaayadaynayaan cadowgooda sida inta badan dawladu isticmaasho dacaayad faaruq ah oo aan macna samaynayn ama cadayn loo haynin.


Tan labaadna waa soo bandhigida ay dadkii Soomaliyeed u soo bandhigeen xubnihii dawlada oo qaybna ay ceebaynayso dastuurka oo markhaati kacaya Shabaabka, qaybna amaanayso kuwaas oo ay u tusayaan wax magarato aan istaahilin mansabka ay sheeganayaa. Waxaa kaloo xusid mudan in ay culumadii soomaliyeed kuwooda miisaanka bulshada ku dhex lahaa sida Sh. Shariif Cabdi Nuur, Sh. Cumar Faaruuq, Sh. Maxamed Macalin iyo culumo kale oo aan loo tiirin karin Al-Shabaab ay soo daliishadeen iyadoo dhaliilaya dastuurka, kadibna ay culumadii dawlada taageersanaa ee ay mudada dheer dadka horkeenayeen sida Sh. Bashiir, Sh. Cali Wajiis iyo Sh. Umal maradii meesha uga dhacday, waana waxa Shabaabku u doorteen qaabkan iclaamiga ah.


Tayada Muuqaalada.


Tan u danbaysa waa mida tayada muuqaalka ay soo bandhigeen oo aad u sareeya aadna moodayso tayooyinka HBO iyo Netflix ay sameeyaan amaba ka sareeya oo marka qofku daawanayo soo jiidanaya dareenkiisa daawasho. Tani waxay tusaale u tahay in dhalinyaradu ay maalinba maalinta ka danbaysa sii hor marinayaan warbaahintooda wallow ay la kulmayaan dagaal xaga warbaahintaah oo aan xitaa loo ogalayn in muuqaaladoodu ku sii daahaan barahada bulshada, hadana waxay haystaan dad professional ah oo yaqaana waxa ay samaynayaan.


Isbarbardhigooda marka aad fiiriso qolada dawlada amaba maamul goboleedyada waad la yaabaysaa tvgooda sida uu u liito muuqaal ahaan. Halka Shabaabkuna ay muuqaal ahaan la tartamayaan talafishinada caalamiga ah.


Gunaanad


War iyo dhamaatiis, hadaan soo koobo hadalkayga, waxaa jirtay maahmaah oranaysa, gari labo nin kama wada qosliso. Shababku maanta warbaahin ahaan waa ka adkaadeen dawlada, shakina kuma jiro inay dad badan oo Soomaliyeed ku kasbanayaan dagaalkan warbaahindeed ee ay billaabeen.


Mana ii muuqato in ay qolyaha dowladu iyo saaxibadooda naas nuujiya ay diyaar u yihiin joojinta daadkan iclaamiga ah ee ka soo fatahmaya Koonfurta Soomaaliya. Hadii ay ku sii socoto sanadaha soo aadana, barqo cad baa furayaasha maanka bulshada Soomaaliyeed gacanta Shababka ku dhacayaan, waxaana dhacaya wixii ka dhacay afgaanistaan afar bilood ka hor.


Balse aan dhowrno waxa ay la timaado dowlada Farmaajo ama tan ka danbaysa ee badali doonta. Labase mid unbay noqon, ama kuwii ka horeeyay ee Cabdullahi Yuusuf, Shariif Sheekh Axamd iyo Xassan Sheekh meeshay Shabaabku mariyeen bay raacaysaa, ama bar bar dhac bay ka baryi doontaa, Illeen gartu Allay leedahaye.


W/Q: Samadoon Cabdalaah xaaji

[email protected]

Related Items