Ciidamo Masaari ah oo ku dhaawacmay Weerar ka dhacay Afrikada dhexe.

Tuesday November 02, 2021 - 13:47:57
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya wadanka Afrikada dhexe ayaa sheegaya in weerar lagu waxyeelleeyay ciidamo Masaari ah uu ka dhacay qasriga madaxtooyada wadankaasi.


Ugu yaraan 10 askari Masaari ayaa la xaqiijiyay in ay dhaawacyo culus soo gaareen weerar ay ciidamada ilaalada madaxtooyada Afrika dhexe ugeysteen.

War kasoo baxay Q.Midoobay ayaa lagu sheegay in ilaalada ciidamada qasriga madaxtooyada ay si ula kac ah ay rasaas ugu fureen askarta Masaarida oo saarnaa gaari bas ah.

Related Items