Al Shabaab oo Sedax Askari ku dilay Muqdisho iyo duleedkeeda.

Wednesday October 27, 2021 - 13:13:37
Liibaan Jeexoow
Tafaasiil dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa weeraro dilal ah oo xalay siyaabo kala duwan uga dhacay xaafado katirsan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.


Xoogag hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar gaadma ah ka fuliyay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir, ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in weerarkaas lagu dilay illaa 2 askari oo katirsanaa ciidamada booliska dowladda Federaalka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in xoogagga weerarka geystay ay horay usii qaateen illaa 2 qori AK47 ah oo ay wateen askarta ladilay.

Dhinaca kale weerar hubaysan oo ka dhacay deegaanka Xaawo Cabdi ee duleedka Muqdisho ayaa sababay dhimashada sarkaal katirsanaa ciidanka dowladda kaasi oo lagu magacaabi jiray Xuseen Cabdi Cusmaan.

Dhammaan mas'uuliyadda weeraradan waxaa sheegtay Al Shabaab sida ay baahisay Idaacadda Andalus.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items