Ciidamada maamulka 'Galmudug' oo si buuxda ula wareegay magaalada Guriceel.

Wednesday October 27, 2021 - 08:33:03
Liibaan Jeexoow
Waxaa soo gaba gaboobay dagaalladii cuslaa ee afartii maalmood ka socday degmada Guriceel ee gobolka Galguduud bartamaha Soomaaliya.


Saaka waaberigii ayay maleeshiyaadka kooxaha Suufida Qabuura Caabudka ah isaga baxeen difaacyadii uga qodnaa xarunata Jaamacadda Guriceel waxaana durbadiiba saldhigyadoodii la wareegay ciidamada maamulka isku magacaabay 'Galmudug'.

Goob joogayaal ayaa sheegay in maleeshiyaadka Qabuuriyiinta ay ubaxeen deegaanno hoos yimaad degmada Dhuusamareeb halkaas oo ay wadahadallo kula geli doonaan maamulka Qoorqoor.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in wadahadallo dhaxmaray Ganacsato deegaanka ah iyo Odayaal dhaqameedyo ay sabab unoqdeen in Max'med Shaakir lagu qanciyo in uu ka baxo Guriceel ka hor inta uusan dhicin dagaal kama dambays ah oo DF-ka iyo Galmudug ay qorshanayeen.

Goobihii ay ka baxeen maleeshiyaadka Qabuuriyiinta ayaa lagu arkay xabaal wadareedyo iyo meydad daadsan, wararka ayaa intaas ku daraya in maamulka 'Galmudug' uu dib ula wareegay 2 gaari oo looga qabsaday dagaalladii dhacayay maalmihii lasoo dhaafay, sidoo kale maleeshiyaadka Suufida ayaa lagu wareejiyay gaadiid laga qabsaday.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidamada DF-ka ay si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta degmada Guriceel balse lama oga haddii ay dib usoo laaban doonaan kooxaha suufida iyo inkale.

Related Items