Xoogaga TPLF oo qarka usaaran in ay qabsadaan magaalada Dessie.

Tuesday October 26, 2021 - 16:26:05
Liibaan Jeexoow
Maleeshiyaadka qowmiyadda Tigreega ayaa horumarro ballaaran ka sameynaya jiidda dagaalka ismaamulka Amhara ee dalka Itoobiya.


Wararka ka imaanaya galbeedka Itoobiya aya sheegaya in dagaalyahannada TPLF ay lawareegeen dhammaan deegaannada hoos yimaad magaalada istiraatiijiga ah ee Dessie.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in boqolaal katirsan melleteriga Itoobiya iyo maleeshiyaad Amxaara ah ay isku dhiibeen kooxda Tigreega, wariyaal ku sugan gobolka Amhara ayaa sheegay in magaalada Dessie ay haawanayso.

Dhinaca kale ciidanka cirka Itoobiya ayaa maanta duhurkii duqeymo culus ka geystay duleedka magaalada Maqalla ee caasimadda u ah ismaamulka Tigreega.

Related Items