Mareykanka oo hakiyay dhaqaalihii uu siin jiray Suudaan kadib Inqilaabkii melleteri.

Tuesday October 26, 2021 - 09:51:03
Liibaan Jeexoow
Waxa loogu yeero beesha caalamka ayaa si kulul udhaleecaysay tallaabadii uu melleteriga Suudaan ku afduubay xukuumaddii madaniga aheyd ee ka jirtay magaalada Khurduum.


'Golaha ammaanka Q.Midoobay' ayaa lafilayaa in maanta gelinka dambe uu arrimaha Suudaan ka yeesho kulan degdeg ah, dowladad Mareykanka oo hadashay ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaamtay afgambigii Suudaan.

Xukuumadda Washington waxay ku dhawaaqday in ay hakisay lacag gaaraysa 700 Milyan ah oo qaab gargaar ah ay usiin laheyd Suudaan sababa laxiriira isbedelka dhacay.

Jeneraal Cabdi Fataax Al Burhaan ayaa mas'uuliyiin American ah ku wargeliyay in uu qaadayo tallaab melleteri balse ogeysiintaas ayaan qancin dowladda Mareykanka.

Dhinaca kale dibad baxyo malyuuni ah ayaa ka socda inta badan magaalooyinka waaweyn ee dalka Suudaan kuwaas oo loogasoo horjeedo inqilaabkii shalay dhacay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items