Waa Sidee xaaladda Guriceel oo maalmahan lagu dagaallamayay.

Tuesday October 26, 2021 - 09:49:02
Liibaan Jeexoow
Xaalad deganaan ah oo aan caga badan ku taagnayn ayaa laga dareemayaa deegaanka Guriceel ee gobolka Galguduud bartamaha Soomaaliya.


Wararka ka imaanaya Guriceel ayaa sheegaya in saaka aysan jirin wax iska hor'imaadyo ah oo dhaxmaraya maleeshiyaadka Kooxaha Suufida qabuura caabudka ah iyo ciidanka DF-ka.

Goob joogayaal waxay sheegeen in goobaha ganacsiga Guriceel ay dhammaantood xiranyihiin balse bartamaha deegaanka ayaa lagu arkayaa dad fara kutiris ah oo ku lugeynaya wadada laamiga ah.

Gurmadyo kala duwan ayaa xalay soo kala gaaray dhinacyada dagaallamayay, taliska ciidanka DF-ka ayaa hubka culus oo madaafiic ay kamid yihiin ku daad guraysay Guriceel.

Shalay Guriceel waxaa ka dhacay dagaalkii ugu cuslaa abid kaasi oo sababay dhimashada Tobanaan ruux oo dhammaantood kamid ahaa dhinacyadii hardamayay.

Maamulka 'Galmudug' ayaan wali ku guulaysan in si buuxda ula wareego gacan ku haynta Guriceel, sedaxdii maalmood ee ay dagaalladu socdeen waxay dhimashadu ka badantahay 150 ruux oo ubadan dhinacyadii dagaallamay.
=====

Related Items