Dagaal iyo qarax 10 Askari lagu dilay oo ka dhacay degmada Afgooye.

Tuesday October 26, 2021 - 09:53:03
Liibaan Jeexoow
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya iska hor'imaadyo culus oo xalay ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.


Ciidamo aad u hubaysan oo katirsan Al Shabaab ayaa xalay saqdii dhexe weeraro culus ku miray saldhigyo ay ciidamada DF-ka ku leeyihiin gudaha degmada Afgooye iyo hareeraheeda.

Dagaal culus oo socday ku dhowaad hal saac ayaa dhinacyada ku dhamxaray Afgooye, ilo wareedyo ayaa sheegaya in khasaaraha ugu daran uu ka dhashay weerar lagu qaaday halka loo yaqaan Haantadheer.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in weerarkii xalay dhaca lagu dilay ugu yaraan 5 askari halka 2 kale ay dhaawacyo soo gaareen, xoogagga weerarka soo qaaday ayaa ku guuleystay in muddo kooban ay la wareegaan gacan ku heynta goobihii lagu dagaallamay.

Saaka markii uu waagu baryaya oo ciidamada DF-ka ay dib ugu laabteen saldhiggii xalay laga qabsaday ayaa qarax lala helay saldhigga, qaraxa ayaa sababay dhimashada 5 askari.

Wadarta guud ee khasaaraha ka dhashay dagaalkii Afgooye waa 10 askari dhimasho ah iyo dhaawaca tira kale.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items