Jeneraal Al Burhaan oo kala diray Golayaashii Xukuumadda dalka Suudaan.

Monday October 25, 2021 - 14:01:37
Taliska melleteriga Suudaan ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu inqilaabay xukuumaddii Rayidka aheyd iyo dhammaan golayaashii maamulka wadankaasi.


Bayaan lagasii daayay Telefeshinka afka dowladda ku hadla ayay ciidamadu ku sheegeen in xaalad degdeg ah lagusoo rogay dalka islamarkaana lakala diray golayaashii xukuumadda iyo siyaadada.

Jeneraal Cabdi Fataax Al Burhaan oo ah Taliyaha ugu sarreeya ciidamada Melleteriga ayaa xukuumaddii uu madaxda ka ahaa Cabdalla Xamduuk ku eedeeyay in ay ku fashilantay waxka qabashada arrimaha dhaqaalaha iyo ammaanka islamarkaana ay boorinaysay fowdo siyaasadeed oo wadanka gilgisha.

Dhinaca kale dibad baxayaal kumanaan ah ayaa taagan waddooyinka magaalada caasimadda ah waxayna kasoo horjeedaan inqilaanka dhacay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items