Weeraro lagu beegsaday saldhigyo Melleteri oo ka dhacay Jubbada hoose.

Monday October 25, 2021 - 12:17:14
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in weeraro culus lagu qaaday saldhigyo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad daba dhilifyo u ah ciidamada shisheeye.


Ciidamada wilaayada Islaamiga Jubbooyinka ayaa saacadihii lasoo dhaafay weero safballaaran ah ku qaaday laba saldhig oo ay maleeshiyadka Axmed Madoobe ku lahaayeen duleedka Kismaayo iyo deegaanka Kulbiyoow.

Ugu yaraan hal askari ayaa ku dhaawacmay weerar gaadma ah oo ciidamada wilaayada Islaamiga ah ku qaadeen saldhigga Baar ee duleedka Kismaayo iyadoona waxyeello ay soo gaartay gaari booyad ah.

Dhinaca kale wararka ka imaanaya xuduud beenaadka ay wadaagan Kenya iyo Soomaaliya ayaa sheegaya in weerar hubaysan lagu qaaday bar koontarool oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad daacad u ah maamulka isku magacaabay 'Jubbaland'.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items