Guriceel oo maalintii 3aad lagu loollamayo iyo Sarkaal laga dilay Haramcad.

Monday October 25, 2021 - 09:18:01
Liibaan Jeexoow
Iska hor'imaadyo culus ayaa dib uga bilaawday deegaanka Guriceel ee gobolka Galguduud halkaas oo ay ku hardamayaan maleeshiyaad kala taabacsan Galmudug iyo kooxaha Suufida qabuura caabudka ah.


Wararka ka imaanaya Galguduud ayaa sheegaya in maalintii sedaxaad oo xiriir ah ay dagaallo culus ka socdaan bartamaha Guriceel, dagaalka oo bilaawday saaka aroortii hore ayaa yimid kadib markii ay weerar rogaal celis ah qaadeen maleeshiyaadka Max'med Shaakir.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada maamulka 'Galmudug' lagasoo durjiyay dhanka Jaamacadda iyo Isbitaalka Istarliin halkaas oo shalay lagu go'doomiyay saraakiisha kooxaha qabuuriyiinta.

Khasaara lixaad leh ayaa la sheegay in dhinacyada ay kasoo gaareen dagaallada socda, dagaal xalay fiidkii dhacay waxaa lagu dilay taliyihii ugu sarreeyay maleeshiyaadka Haramcad ee Turkigu tababaray.

Loollanka oo galay maalinkiisi sedaxaad oo xiriir ah ayaa loo badinayaa in uu sii socan doono maalmaha soo socda maadaama uusan jirin dhinac xaqiijiyay guul lataaban karo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items