Melleteriga Suudaan oo Inqilaabay xukuumaddii u madaxda ka ahaa Cabdalla Xamduuk.

Monday October 25, 2021 - 08:46:52
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya dalka Suudaan ayaa sheegaya in ciidanka melleteriga ay wadankaas ay ku dhaqaaqeen Inqilaab uusan dhiig ku daadan kaasi oo ay ku maja xaabiyeen xukuumaddii madaniga aheyd.


Kumanaan katirsan ciidamada qalabka sida ayaa saaka aroortii hore qabsaday xarunta Raadiyaha iyo Telefeshinka waxayna isku gedaameen dhammaan buundooyinka muhiimka ah ee magaalada Khurduum.

Wariyaal ayaa soo sheegay in ciidamada Inqilaabka sameeyay ay xireen Cabdulla Xamduuk oo ahaa R/wasaarihii xukuumadda iyo inta badan xubnihii golaha wasiirrada.

Mas'uuliyiinta laxiray waxaa kamid ah wasiirkii Warfaafinta iyo xoghayihii R/wasaaraha, Malaayiin reer Suudaan ah ayaa wada sugaya bayaan melleteri oo laga baahin doono telefeshinka qaranka.

Inqilaabkan ayaa imaanaya xilli isbuucyadii lasoo dhaafay ay fatqalado siyaasadeed ay wadanka ka jireen, Jeneraal Cabdi Fataax Al Burhaan ayaa lafilayaa in uu isku magacaabo madaxweynaha cusub ee dalka Suudaan.

Related Items