Dagaallo maalintii 2aad ka socda degmada Guriceel.

Sunday October 24, 2021 - 08:24:27
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya gobolka Galguduud ayaa sheegaya in markale ay dagaallo culus dib uga qarxeen deegaanka Guriceel.


Ciidamada DF-ka iyo kuwa maamulka 'Galmudug' ayaa saaka aroortii hore weeraro rogaal celis ah ku qaaday saldhigyo ay maleeshiyaadka Suufida qabuura caabudka ah ku leeyihiin xaafado katirsan Guriceel.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayaan hugunka madaafiicda iyo rasaas ay labada dhinac isdhaafsanayaan, dagaalladii shalay gelinkii dambe dhacay ayaa looga itaal roonaaday ciidamada DF-ka iyadoona laga laayay askar iyo saraakiil.

Related Items