Nin sameeyay Ficilkii Qowmu Luud oo lagu dilay gobolka Hiiraan.

Sunday October 24, 2021 - 08:22:04
Liibaan Jeexoow
Fagaare kuyaal deegaanka Booco ee bariga gobolka Hiiraan waxaa shalay gelinkii dambe isugusoo baxay boqolaal ruux kuwaas oo daawanayay xad kamid ah xuduudda Alle.


Maxkamadda wilaayada Islaamiga Hiiraan ayaa xukun dil ah ku fulisay nin lagu magacaabi jiray Cabdi Shakuur Muxumed Axmed kaasi oo canug yar ku sameeyay falkii qowmuluud.

Maxkamadaha islaamiga ah ee ka jira gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa tadbiiqiya Shareecada Islaamka arrinkaas oo ay ammaan iyo kala dambeyn ku heleen malaayiin ruux.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items