Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda dagaal ee degmada Guriceel.

Saturday October 23, 2021 - 14:00:50
Liibaan Jeexoow
Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaalladii cuslaa ee saaka ka bilaawday deegaanka Guriceel ee gobolka Galguduud bartamaha Soomaaliya.


Dagaallada oo udhaxeeyay ciidamada maamulka isku magacaabay 'Galmudug' iyo maleeshiyaadka suufida ayaa sababay dhimashada ku dhowaad 70 ruux oo ubadan dhinacyadii dagaallamay balse ay ku jiraan dad shacab ah.

Ciidamada DF iyo kuwa Galmudug ayaa la wareegay gacanta heynta intabadan xaafadaha magaalada Guriceel, goobaha laga qabsaday suufida waxaa kamid ah saldhigga Booliska,xarunta degmada iyo goobo kale.

ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in ciidamada 'Galmudug' ay dib uqabsadeen gaari Beebe ah oo horay ay suufidu ugu qabsadeen dagaalkii deegaanka Bohol ee duleedka Dhuusamareeb.

Meelaha ugu daran ee ay hadda dagaalladu ka socdaan waxaa kamid ah halka loo yaqaan Ceelka Cali Faarax iyo xarunta Jaamacadaha halkaas oo ay dhufaysyo ka qorteen maleeshiyaadka uu madaxda ka yahay Max'med Shaakir.

wixii kusoo kordha dib ayaan kasoo sheegi doonaa insha'Allaah

Related Items