Ciidamada maamulka 'Galmudug' oo dagaal culus uga jira Guriceel.

Saturday October 23, 2021 - 11:25:02
Liibaan Jeexoow
Xaalad hubanti la'aan ah ayaa ka taagan deegaanka Guriceel ee gobolka Galguduud halkaas oo ay isku hayaan dhincyo cadow ah.


Ciidamo taabacsan maamulka 'Galmudug' ayaa maanta barqadii duullaan culus ku qaaday saldhigyo ay maleeshiyaadka Suufida ku lahaayeen Guriceel.

Dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in dagaallo culus ay ka socdaan gudaha deegaanka iyo hareerahiisa, warar hordhac ah waxay sheegayaan in ciidamada Galmudug iyo kuwa DF-ka ay la wareegeen xarumaha ugu muhiimsan Guriceel balse waxaa wali socda iska hor'imaadyo culus.

Juga madaafiicda hoobiyaasha iyo rasaas ay labada dhinac isweydaarsanayaan ayaa laga maqlayaa Guriceel iyo hareeraheeda.

Boqolaal qoys ayaa saacadihii lasoo dhaafay isaga barakacay deegaannada ay colaaduhu ka jiraan, saraakiil uhadashay maamulka Axmed Qorqoor ayaa sheegay in ay ka go'antahay dib uqabsashada deegaannada ay la wareegeen maleeshiyaadkoa kooxda suufida.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items