Weeraro lagu dilay askar huwan ah oo ka dhacay deegaanno katirsan Sh/dhexe iyo Sh/hoose.

Thursday October 21, 2021 - 12:31:56
Liibaan Jeexoow
Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weeraro culus oo saacadihii lasoo dhaafay labada shabeelle lagula beegsaday ciidamo huwan ah.


Wararka ka imaanaya halka ay iska galaan gobollada Sh/dhexe iyo Sh/hoose ayaa sheegaya in halkaas weeraro is xigxigay lagula beegsaday maleeshiyaadka DF-ka iyo ciidamo AMISOM ah.

Xoogagga Al Shabaab ayaa qaraxyo iyo weeraro toos ah ciidamada huwanta ah ugu dhigay deegaanka Baqdaad oo udhaxeeya Afgooye iyo Balcad, ilo wareedyo ayaa sheegaya in ugu yaraan 6 askari oo katirsan ciidamada huwanta ah lagu dilay weerarada halka 10 kale ay dhaawacyo soo gaareen.

Ciiidamada AMISOM oo wata gaadiid gaashaaman iyo Maleeshiyaadka DF-ka ayaa shalay dhaq dhaqaaqyo ka sameeyay deegaannada udhaxeeya Balcad iyo Afgooye balse waxay iska caabin adag kala kulmayaan dagaalyahannada Shabaabul Mujaahidiin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items

Update cookies preferences