Cudurka Covid19 oo Soomaaliya ku dilay dad ka badan 11,000 oo ruux.

Wednesday October 20, 2021 - 12:29:52
Liibaan Jeexoow
DF ayaa si gaabis uga warbixisa kiisaska Covid19
DF ayaa si gaabis uga warbixisa kiisaska Covid19
Caabuqa Covid19 ayaa la sheegay in uu wali dad badan ku dilayo dalka Soomaaliya xilli ay DF-ka aad uga gaabsanayso in ay si sax ah uga hadasho dadka cudurkan ladhibban.


Daraasad cusub oo ay soo saartay majalladda caalamiga ah ee cudurrada caloosha ku dhaca qaabilsan ayaa lagu sheegay in dad gaaraya 3200 illaa 11,800 oo ruux  ay Covid19 ugu dhinteen dalka Soomaaliya intii udhaxaysay bilihii Maarso iyo September 2020.

Wasaaradda caafimaadka DF-ka ayaa aaminsan in dad aan ka badneyn 1000 ruux ay Carona Virus ugu dhinteen dalka Soomaaliya, dadka shaqeeya qodista qabuuraha magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in tobanaan kun oo ruux ay udhinteen Covid19.

Billaawgii sanadkan 2021 ayuu Covid19 dadkii ugu badnaa ku dilay magaalada Muqdisho iyo deegaannada hoos yimaad.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items