Sawirro: Qaraxyo ay 14 Askari ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Dimishiq.

Wednesday October 20, 2021 - 10:53:07
Liibaan Jeexoow
Wararka ka imaanaya wadanka Suuriya ayaa sheegaya in qarax khasaara badan dhaliyay lagu beegsaday gaadiid ay la socdeen ciidamada nidaamka bishaar Al-asad.



Ugu yaraan 14 askari ayaa dhimatay kadib markii laba qarax lala helay gaadiid basas ah oo ay la socdeen ciidamo katirsan nidaamka nuseyriga ah ee Suuriya maamula.

Qaraxyada oo ahaa kuwa culus ayaa ka dhacay buundada Al-ra’iisi ee bartamaha magaalada Dimishiq islamarkaana ku dhow fagaaraha Umawiyiinta.

Wakaaladda wararka SANA ayaa sheegtay in qaraxyada oo loo adeegsaday miinooyin gacan ku sameys ah ay haleeleen laba bas oo ay ka buuxeen ciidan melleteri ah, goobta ay qaraxyadu ka dhaceen ayaa ammaankeeda si aad ah loo ilaaliyaa.

Nidaamka Al-asad ayaa qaraxyadan ku eedeeyay wax uu ugu yeeray kooxo argagaxisa ah oo diiddan Nabadda Suuriya sida uu hadalka udhigay.





Related Items